Protocol Xumida lagu Qaabilo Soo dhaweynta iyo Sagootinta Madaxweyne Silaanyo.

A SIILAANYO LONDON

Marka hore Ummada Somaliland oo dhan ayaan salamaya Ascwb, inta ka dib, waxa inta badan aan arka madaxweynaha Somaliland ahmed silaanyo oo ah astaanta qaranimada somaliland in habka loo maamuso soo dhaweyntiisa iyo sogaatintiisaba ay protocol xumo weyni ka muuqto marka uu doonayo in uu dalka yimaado ama u ka dhoofo si u soo guto hawlo shaqo oo qaranka u leeyahay. Waxa in badan aan arka wasiiro faro badan iyo shaqaale dawladeed oo soo faaruqiyey dhamaan xafiisyadii dawlada oo maalin dhan u taagan madaarka salaan, marxabaysiin, ka qoslin iyo u sacabo tumida madaxweynaha halka ay ahayd in ay u shaqeen shacabkii loo wakiishay. Waxa inta badan indhahu qabanayaan is dhex yaac, maamul xumo baahsan iyada 10 qof doonayaan in ay madaxweynaha hagaan halka qaarkoodna waa wasiirada iyo guulwadayaashe ay isku dabo dhereriyaan si kamarada muuqbaahiyaha u qabato, maan fahmin ujeedadooda ? . Sidoo kale, waxa dhacda in madaxweynaha iyo suxufiyiinta qolo ku kale dhex jirto oo laga ilaalinayo saxaafada sidii uu afgambi wadanka ku qabsday, waana talaabo kelitelisnimo cad abuuraysa in madaxweyne Ummad doortay laga ilaaliyo warbaahinta.
Waxa kale oo xusid mudan kharashaadka ku baxaya soo dhaweynta baahasan ee loo sameynayo madaxweynaha iyo 50 kiisa wasiir marka ay dalka ku soo noqonayaan ee shidaal leh, Telfishano leh, dhar tolid leh, durbaano leh, afmiishaaro leh, qaad leh ee qabax leh iwm.
ku darso, weliba way hadhsan tahay soo dhaweyntii, raisal wasaare xirsi iyo dhuxul oo flight ka danbe saaran!!.
Celcelis ahaan 2 milyan oo dollar kama yara lacagta soo dhaweynta madaxweynaha iyo 50 kiisa wasiirba sanadkii haddii aanayba ka badnayn xita marka lagu daro safarada gobolada oo intaas oo wasiir la socodaan madaxweynaha. 
Haddba, Waxa la yaab leh in Waxaas oo adduun ah oo inoo dabooli lahaa baahiyo badan lagu lumiyo shaqsi bani aadam ah oo bulshadu u doortay muddo cayiman inuu u khidmeeyo. Waa wax qurux badan in madaxweynaha la soo dhaweeyo oo la maamuso laakiin ma wacana in lagu tasarufo hantida ummada. Waxa kale oo iyana loo baahan yahay in madaxtooyada somaliland fiiro gaar ah u yeelato qaabka loo soo dhaweynayo madaxweynaha oo laga ilaaliyo wixii dhag xumo u soo jiidaya.

Allah mahad leh
Saeed Abdullahi Dualeh
Bristol,UK.