Puntiland oo Dowlada Soomaaliya ku mataleysa Shir Muhiim ah oo ka dhacaya Magaalada London

M Puntland

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas )ayaa maanta ka ambo baxay Magaalada Garawe, isagoo kusii jeeda Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska .

Cabdi Wali Gaas iyo xubnaha safarkiisa ku wehliya ayaa ka qeybgalaya shir ka dhacaya Magaalada London, kaa oo looga hadlayo Maalgashiga Qaarada Afrika , waxa ayna Puntiland Shirkan u mataleysa Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas ) oo Warbaahinta la hadlay xiligii uu dhoofayay ayaa sheegay in lagu casuumay Shir looga hadlayo Maalgashiga Qaarada Afrika oo ka dhaca London , waxa uuna tilmaamay in Shirkaasi uu maamulkiisu u matalayo Dowlada Soomaaliya.

Shirka looga hadlayo Maalgashiga Qaarada Afrika waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaal kasocda Qaar kamid ah Wadamada Afrika , waxaana Soomaaliya shirkaasi Muhiimka ah u matalaya Madaxweyne Maamul Goboleed.

Ma ahan Markii ugu horeesay oo Maamulka Puntiland Shir uu u matalo Soomaaliya, waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in Soomaaliya lakala jiidayo Maamul Goboleedyada qaarkoodna loola dhaqmayo sida Dowlad Caadi ah , waxa ayna arimahaasi meel ku dahc ku tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Moqdisho