Rag qorsheynaayay qaraxyo inay ka geystaan Magaalada London oo gacanta lagu dhigay

image

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska Magaalada London ee dalka Uk, waxaa gacanta lagu dhigay rag qorsheynaayay inay weeraro ka geystaan Magaalada London ee dalkaasi.

Ragan ayaa Booliiska, waxa ay sheegeen inay qabteen shalay oo tallaado aheyd, balse muddo lagu daba jiray dhaq-dhaqaaqooda, maadaama ay Booliiska shaki badan ka qabeen ragaasi.

Inkastoo Booliiska aysan faah-faahin badan ka bixin ragaan la qabtay iyo wadamada ay ukala dhasheen, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in tirada ragaan ay yihiin afar ruux, waxaana lagu xidhay xabsi ku yaalo Bartamaha Magaalada London.

Afarta ruux ee looga shakiyay inay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ay ka geystaan Magaalada London ee dalka Uk ayaa mid kamid ah wuxuu tagay dalka Syria oo uu dhawaan kasoo noqday, sida laga soo xigtay saraakiil Booliiska ku dhaw-dhaw.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Magaalada London, ayaa ku waramaayo inay suuragal tahay in ragaan ciqaab adag la marsiiyo, marka uu dhamaado baaritaanada iminka ay ku hayaan laamaha Sirdoonka dalka Uk.

Bilihii u dambeeyay waxaa dalka Britain saameyn xooggan ku yeeshay cabsida laga qabo argagixisada. kadib markii dhalinyaro badan oo ka tagay dalalka Yurub oo ay Britain ku jirto ku biireen ISIS.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka tagay Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray kooxda ISIS ee Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta, waxaana taasi ay keentay in Sirdoonka dalalkaasi ay laba jibaaraan xogaha ku saabsan dhanka argagixisada.

Salaanmedia/London