Faalo…Sababaha Keena Burburka Qoysaska Somalida Waxa Uga Badan Labadan Arimood Q2aad

Daawo Muqaal…Haween Soomaaliyeed oo ku faanaya in raga Ajaanibku ka wacan yihiin raga Soomaaliyeed,sheegayna inay ka bartaan raga ajaanibka sida dadka loogu…

Sababaha Keena Burburka Qoysaska Somalida Waxa Uga Badan Labadan Arimood Q2aad

Sanadkan Badhtamihiisaii ayay ahayd markii uu Maqaalkan hordhaciisu Media soo gaadhay
waxana aynu halkii ka sii amba qaadi doonaa taxanihiisii

Hadaba waxa aynu hore u tilmaam-nay halka ay sartu ka qudhunto had iyo jeer marka ay lamaane somaliyeed is guursadaan ama ay Nolol wadaagaan

Waxayna mushkiladda ugu Wayni noqotay Meel xalkeedu aad u adagyahay oo ah labada lamaane Family yada ay kasoo kala jeedaan amaba Qoysaskii ay ka kala yimaadeen waxana uu dagaalkoodu bilaabmaa isla Habeenka la hoynaayo Ama ay Aqal geleyaan oo isu sanqasho iyo huruuf ay isku bilaabaan Dumarada labada cayladood

Marka xigataana Waa Habeenka xeedhada amma Macaanka Ugaarkaa Dumarka

wayahay hadaba habeenkii Arooska halkay ka bilaabeen
hawshan rebeshka abuurin?
Waxa laysku qabsanayaa ama laysku af-dhaafayaa inta Hablood ee la dhisaayo oo Caruusda iyo la taliyayaal u liqimayaa ay soo jeediyaan tiro waa garabkii Gabadhee
halka marka warku soo gaadho Qoyskii Wiilku ka dhashayna ay ka soo baxdo jawaab hkilaafsan soo jeedintii ama rabitaankii Xidididka habeenka habeen farxadeedka ahi waxa uu isu bedelaa habeen colaad iyo af taag ay isku wajahan labada Qoys ee xidhiidhka wayni dhexmaray haba ka qaban isla markaa Gabadha la soo hooyo waxay qoyska Wiilku bilaabaan Gaar ahaan haweenku Xan iyo wax ka sheegis ay Gabadha ku weeraryaan haw badnaadaan Dumarka La Qabo ee Reerka hore iyagu uga tirsanaaye iyadoo mushkiladdaasi Taagan ayaa iyana waxa halkan lamaanaha is guurasaday kusii sugaaya mushkiladii aynu hore usoo sheegnay ee ahayd in Markii ay iyagu sheekaysanaayeen ee hore uu mid waliba midka kale uu kusoo dhawayn jiray Weji aad u furan iyo Farxad saayida
Balse ay Mid walba u qarsoonayd Dabeecadii dhalanka ahayd ee Ilaahay kula abuuray oo iyan noqonaysa Caqabad Culus
Lasoco—
Salaanmedia
Diyaariye
Sacad Cali Kaahin Raamalay (Sacad plucky)
Qalin Ku Difaac Group