Safarkii Uu Ku Tagay Turkiga Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Africa Haabiil Cabdi Heybe Oo Najaxay “Warbixin

image

Masuuliyiinta Xisbiga Shacabka Geeska Afrika oo dhawaan Casuumaado kala duwan ka helay dawladaha Soomaliya daneeya guud ahaan gaar ahaan kuwa Somalida wax qabad muuqda u qabta sida UK, TURKIGA, QATAR, KUWAIT IYO SWEDAN, ayaa waxey u gudbiyeen qoraalo iyo warbixino dhammaantood muujinaya dhibka Soomaliya kajira iyo khaladaadka ay galayaan Dawladaha Soomaliya ku lug leh caawimooyinka Somaliya lasiiyo ee xaga tababarada, waxbarashada sare iyo deeqaha ciidamada Booliiska iyo Milateriga oo dhamaantood si xaqdaro ah loogu tagri falo.
Dhibaatooyinka dalka kajira oo ay ugu weyn tahay colaada joogtada ah ee dawlada wasiiradeedu ay abaabulaan, dhaca, guryaha la gubayo barakaca kufsiga iyo dilalka qorshaysan ee banaadir ka dhaca iyo dhamaan sadbursiga xaga qaybsiga awooda dawlada federaalka ah gobolada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha dhexe iyo hiiraan oo dhamaantood si xaqdaro ah magacooda loogu qaato lacago aan gaarin goboladaas.
Waxaa kaloo ay kala hadaleen Turkida Wasaarada Arimaha dibadda sidii ay ugaarsiin lahaayeen shacabka Somaliyeed ee degan gobolada Wabiyadu maraan ee ku dulman waxa Muqdisho la keeno aan helin dadka degan dhulka 90% in xaqooda ay toos uga helaan dawlada Turkiga oo aanay u daba fadhiisanin Ganaadir.
Dawlada UK ayaa waxey u gudbiyeen colaadaha ku socda Shacabka ugu badan ee DFS ay qarinayso Wariye yaasha laxir xirayo, Siyaasiyiinta laxirxirayo iyo dhamaan xad gudubyada guud ee kadhacaya gobolada( HIIRAAN, SHABEELADA DHEXE/SHABEELADA HOOSE IYO BAY BAKOOL JUBADA HOOSE ).
Waxayna balan qaadeen inay toos u fara galin doonaan DFS somaliya oo ay mar siin doonaan hadii loo baahdana ay dadka deegaanadaas toos ula xiriiraan si loo xaqiijiyo. THE HAGUE: waxaan u gudbiyeen Maxkamada caalamiga ee hague in lasoo baaro dambiyadii kadhacay Shabeelada hoose, Shabeelada dhexe iyo hiiraan oo waliba shakhsiyaadkii dambiyada gaystay loosoo taago Maxkamada weyna aqbaleen.
Waxaan sidoo kale ay u gudbiyeen magacyada 17 qof oo dhamaantood xilal Mileteri iyo kuwo Xildhibaano ahaiyo waliba shirkado ganacsi oo maalgalin toosa kusameeyey dagaalada Shabeelooyinka in dhamaantood sharciga lala tiigsado, NGO yada heshiisyada kusoo galay inay shacabka magacooda ku qaatan oo hadana barakaca iyo dilalka maal galiya dhamaantood in laga qaado sharciyada ay ku shaqeeyaan Maalgalinta laga joojiyo.
Shakhsiyaadka ku lug leh dagaalada in dhamaantood xayiraad lagu soo rogo dhaqalahoodana la xanibo si cadaalada ah xukunka caalamiga loo hor keeno weyna aqbaleen aad ayeyna uga heleen warbixinda muhiimka ah ee aanu hordhignay.
DOORASHOOYINKA 2016: si ay u dhacdo doorasho xor ah oo cadaalada waxey ugudbiyeen in ay xukuumada BRITAIN iyadu toos u maamusho gudiyada abaabulka doorashooyinka oo ay madax banaanaadaan loogana ilaaliyo in xisbiga HASAN SHEEKH una boobin doorashada iyo in laga xayiro dhaqaalaha maadaama dagaalo iyo doorashooyinka soo socdaba loo isticmaali karo wixii dhaqaalo ah ee labixiyo.
Waxaa kaloo ay u gudbiyeen cadaalad darada dalka kadhacday 2-dii sano ee lasoo dhaafay dalkan dadkiisa dulmiga in laga saaro weeye wayna naga go’antahay hadaan maanta dulmiga la qabanina waligeed waxaan ayaa lagu jirayaa dhamaantoodna way aqbaleen codsiyadii ay u gud biyen dawladahan ay la kulmeenmarkii laga reebo waxaa kale oo la balansan 5 dawladood oo Casuumay Xisbiga Shacabka Geeska Africa, weyne u gudbiyeen warbixinadii ay ka rabeen Xisbiga.
Waxaa sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Africa uu sheegay inta uusan Sanadkan dhamaan lakala bixi doono inshaalah.
GUNAANAD: “dhamaan shacabka soomaliyeed ee taageersan Xisbiga geeska afrika waxaanu ugu baaqaynaa in taageeradooda deegaanada ay maraan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay muujiyaan dadka dhibaataysana loo gurmado xisbigayagana waxaa kago’an wixii dawloadaha ku xiran in uu damaanad qaadno sidii aanu uga taageeri lahayn Shacbka”.
Gabagabadii Xisbiga Shacabka Geeska Africa waxa uu ugu baaqaya dhamaan Shacabka ku nool geeska afrika iyo qurbahaba inay u istaagaan xaqooda marnabana aanay uga tanaasulin madaxtinimada kuwa boobka wada ee dawladnimada raba inay kudaba gambadaan ee hooyooyinka somaliyeed guryahaooda gubaya shacabka dulmana gaalada ugu sheegaya inay argagixiso yihiin, kuwaa in meel looga soo wada jeesto oo aan marnaba laga ogolaanin inay dawladnimada dalka hogaamiyaan, wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
GUDOOMIYAHA XAFIISKA WARBAAHINTA EE XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA AFHAYEENKA XISBIGA ; IBRAAHIM TIMA HELE.