SAHRA HALGAN WAXAY CARQALADAYSAY QANDARAASKII LAGU BIXIYAY BIYABIYAYSIGA HANFARKA XUSKA MUJAAHIDIINTA.

Daawo Muqaal…Xaruntii Hido Dhawr ee Mujaahidada Sahra Halgan oo albaabka loo laabay ciidamana lagu wareejiyey…

SAHRA HALGAN WAXAY CARQALADAYSAY QANDARAASKII LAGU BIXIYAY BIYABIYAYSIGA HANFARKA XUSKA MUJAAHIDIINTA.
halXisaabtanku way inoo dambaysaa….. Waa yaab sahraay adiguna. Ana way yaab, malaha in badan oo yaabbanina way jirtaa. Waa amuuro aan isqaban, waa arrin malaha tab iyo xeel loo waayay, oo meel aanu lahayn iskaga soo dhacay.
Haddii xuska shuhadada qandaraas lagu bixiyo, waan filayay, malaha siiraanyo marka maandhayaha la gaynayona waxaaba lagu bixin qandaraas. Qandaraas. Qandaraas. Qandaraas. Waa aafooyinka qaranka kusoo kordhay.. ninka wayn ee ciidanka soo kordhigay xarunta Sahra, inuu af macaan ula yimaaddo ayay ahayd. Maaha inuu hadda goor ay xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen , yidhaahdo Sahra waxba umaan diidin.
Maaha inuu afgobaadsi iyo eed ka carar ku tawaawaco, oo yidha Sahra waa la ogyahay waxay dalkeeda usoo qabatay. Maaha inay la fool xumaato, arrinka ina warancadde iskaga soo riixay, ee uu waxka ogaa, fadqalaladana uu yahay madaxguduud ninka dhigay. Weligiiba meel ka muu soo daahirin, waana kii idaacadda ka dhagaysan jiray, sida siyaad barre loola dagaalamayay.
Waxaa yaab ah in manta la yidhaa kooto ayaa lagu bixiyay, xuskii shuhadada… ehel ayay lahaayeen, in jecel ayay lahaayeen, in u hanweyn ayay lahaayeen, in dhimashadoodu ku mudantahay, oo ay meelku banneeyeen ayay lahaayeen, in aan ka maarmaynin, oo tii rabbi ka kaxaysay ayay lahaayeen, in ay dhaleen, oo dhiiggoodii Rabbi ka beeray ayay lahaayeen, in ay ka tageen, oo weli darxumadii dulcad iyo ramaso aanay ka hadhin ayay lahaayeen. In badan oo waxay ahaayeen taqaan ayay lahaayeen.
Waa ayaan darro in la yidhaa meel aan ahayn kooxda qandaraaska gunnaynta ku qaadatay, ee wasiiro ay ka mid yihiin kuwa inay maamulaan, doonaya.
Ma wasiir ayaa darajada bixiya. Manta waxaay ahayd raggii usoo dhintay ee bud dhigay inay garabkooda ka hadlaan, waxay galeen iyo gudeenba sheegaan, waxay ummaddooda uga tageen, ee ugu beegsadeen xabbaddii aan arxanka lahayn, mase aha in kuraasi loo sii diyaariyo, dad magacyo nin aan dalkaba ogayn goor uu xoroobay siiyay, isa soo wada dhereriyaan, oo madashaa hadal ka gaystaan.
Waa ceeb in kii haweenka dhanka Adisababa ka xigay, caawa isasoo taago, oo iska qiiraysiiyo, kii qubada caanaheeda waxa u eg makhaayadaha anjida ee adiis iyo diridhabe ku dhami jiray, uu talo ka bixiyo. May ahayn manta in kuwii qaranka laga ilaalinayay, ee goblankii mujaahidiinta ku badhaadhay, ay weliba ceeb iyo anagaa u abbaan ah mujaahidiinta ay ku qabsadaan, oo weliba xadhig ugu gaystaan.
Waa xaal adduun in manta SAHRA HALGAN magaalada Harar iyo Hargaysaba laga saaro, oo magaalada duleedkeeda aya ay xuskii kuqaban kari waydo.
Maasha Allah. Meel ka fiican taallada Mujaahidka, oo ay ku qaban lahayd xuska ma jirto.
Ilaahay wuu idin asiibsiiyay, markaad taallada dusheedii xuska ku qabateen.
Waxaan u sheegayaa caammada in wax la qabto ka xun, caamada shuhadada ka xun xuskooda, caammada hunguriga ka dayaysa inay qaddar lacag ah ku lunsadaan xuska shuhadada, caammada aan miyirba qabin, ee qoloftooda sida sidigta lala warwareego caalamka, ee lagu dawarsado.
Waxaan u sheegayaa, in mujaahidiinta sharafta leh ee Sahra Halgan, iyo inta magacooda aanan halkan kusoo koobi karini, ka qaybqaadan doonaan xafladda 17ka ee shuhadada, welibana xaflado iyo ducooyin kalena u qaban doonaan.
Aboodiga caqligu gudhayow dillaac.
Eng. Youssuf Ahmed
jicsin@hotmail.com
London U. K.