Salaama Bank oo Mishiinka Lacagta Lagala Baxo ATM Oo Markii Ugu Horaysay Geysay Muqdisho iyo shacabka oo soo dhaweeyey…

atm

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Oct 7, 2014 Muqdisho(SM) – Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay isticmaalaan mishiinka lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM. Mishiinkan ayaa ah tii ugu horreysay ee laga isticmaalo caasimadda, waxaana lagu dhex rakibay meel hoteel ah.
Qalabkan oo ay leedahay Bangiga Salaam oo si xawliya ku socda kana hawl gala dhamaan aduunka oo dhan  ayaa macaamiisha u oggolaaya inay la baxaan lacag caddaan ah oo Doolar-ka Mareykanka ah.
Dadweynaha ku nool magaaladda Moqdisho ayaa aad usoo dhaweeyey hawlaha caynkan oo kale ah ee sharikadda Salaama Bank ay kusoo kordhisay magaaladda Moqdisho. Waxaaanu noqonayaa adeega noocan oo kale ahi kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee weligeed laga hirgaliyo dalka Soomaaliya gaar ahaan Moqdisho.Waxa aad kala bixi kartaa oo kaliya Dollar lakiin waxa masuuliyiinta sharikadda Salaama ay sheegeen in mustaqbalka dhow lagala bixi doono lacag soomaali.

Salaanmedia/Moqdisho