Shabaab oo sheegay in cir, dhul iyo badba laga soo weeraray Degmada Baraawe

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa goordhaweyd oo saaka aroortii ah gudaha u galay Magaalada dekada leh ee Baraawe oo Shabaab ay ku xooganayeen muddo shan sano ahna ay maamulayeen. Boqolaal ciidamo ka tirsan kuwa Amisom iyo ciidamada dowladda oo lugeynaya, taangiyada Amisom ay bar-bar socdaan ayaa gudaha u galay Magaalada, waxaana ciidamada ay yihiin kuwa Magaalada dhex-mushaaxaya iminka. Magaalada dadkii deganaa badankooda waa ay ka barakaceen, dadka ku hadhay Magaalada, ayaa sheegaayo inay arkayaan ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda isugu jira oo Magaalada si aad ah ugu qul-qulaayo. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamada huwanta ay la wareegaan xarumaha Garsoorka, Saldhiga iyo guud ahaan goobihii maamulka u aheyd Ururka Al Shabaab intii ay Magaaladaasi ka talinayeen. Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Huwanta ay difaacyo ka sameysteen ilaa saddex Koontarool oo banaanka Magaalada ah, si ay halkaasi isaga ilaaliyaan weeraro culus oo Xoogaga Shabaab ay ku soo qaadaan. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa Dhacdo.com u sheegay in maanta ay kulan la qaadan doonaan qeybaha Bulshada Degmada Baraawe, ayna kala hadli doonaan sidii ay u taageeri lahaayeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom. Waxa kale uu sheegay in Odayaasha Baraawe uu kala hadli doono sidii maamul loogu sameyn lahaa Degmadaasi, maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay Shabaab ay maamulayeen. imageMagaalada Marsada leh ee Baraawe ayaa noqonaysa mid kamid ah magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee gacanta Dowladda soo gala tan iyo markii uu biloowday howlgalka Badweynta Hindiya. Ciidamadii Shabaab ee isaga baxay Magaalada Baraawe ayaa udhaqaaqay dhanka wadadada aada Jilib, halka ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan ay ku sugan yihiin, Sablaale iyo aaga Ambareesa.

Salaanmedia/Mogdisho