Shabaab oo sheegay in cir, dhul iyo badba laga soo weeraray Degmada Baraawe

image

 

 

 

 

 

 

 

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa waxa uu ka hadlay marxalada ay xilligaan ku sugan tahay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taa oo ay si buuxdo uga wada baxeen.

Waaliga, ayaa dhinacyada ka soo horjeedo waxa uu ku eedeeyay inay Degmada Baraawe ka wadaan barakac ka dhan ah dadka deegaanka, iyadoo dadka deegaanka lagu heysto sida uu sheegay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Waxa uu intaa ku daray in maraakiibta dagaal la soo dhoobay Xeebaha Degmada Baraawe, isla-markaana ay maqlayaan guuxa diyaaradaha, halka taangiyada dagaalkana sida uu sheegay meel kasta looga keenay Degmadaasi.

Sarkaalkaan, ayaa dadka ku dhaqan Degmada Baraawe u jeediyay inaysan la shaqayn waxa uu ugu yeeray Saliibiyiinta, isla-markaana ay la dagaalamaan Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya iyo waxa la socdaba.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu dadka deegaanka kaga digay inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom, wuxuuna muujiyay in tallaabo laga qaadi doono cidii wada shaqayn la yeelataa.

Abuu Cabdalla, ayaa waxa uu ku hanjabay in Degmada Baraawe ay noqon doonto khabuurihii waxa uu ku sheegay Saliibiyiinta.

Ciidanka Xooga Dalka oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maqribnimadii hore ee caawa ay gaareen duleedka Degmada Baraawe.

Salaanmedia/Mogdisho