Shacabka reer S/Land Taag iyo Tamar danbe uma hayaan in Digo & Danbas laga iibiyo oo hadana Cawsleh kale loo soo muuseeyo ee Qiime mugleh ha ku sameeyaan musharaxiinta utaagan Madaxweyne,ku-xigeen ama Xildhibaanoba. Qalinkii A/rahman fidhinle UK Inbox x

maqaal

Muwaadinow  hadii  uu mar walba musharax aan aqoon ka cokaneyni ina yidhaahdo Tolaayey ka soo kacaay oo idoorta oo aynu sanaaduuqda ubuuxino gun ayeynu noqoneynaa, Hadii doorashada soo socota hadana Cawsleh la inoo soo muuseeyo oo la inaga iibiyo digo iyo danbas kale  weynu tacab khasaareynaa oo gob jabtey ayeynu noqoneynaa. Waa in shacabku isweyndiiyaa maxeynu ku dooraneynaa Hogaanka Wanaagsan?  Maxeynu se ku diideynaa Hogaamiyaha xun?  Bal dib uyara milicsada Golihii wakiilada ee shacabku doorteen oo la arkaayo  marka mooshinada la duduucaayo ee la fool eryaayo ayaa qun yar layna odhanaayo sawtii Waabeeyo uu wixiiba Waabeeyey ee sidii ay rabeen ku dhamaatey ama lagu leeyahayba sow tii hebelkaa Mareexaan uu Mareexaaneeyey ee Xukuumadii marsatey ujeedadeedii,Hadaba shacabow taasi ma inoo danbaa?  Jawaabtu oo koobani  waa maya oo taag iyo tamar danbe uma hayno miliqsadeyaal iyo macal cuneyaal dan la orod ah oo inagu gafanooba hadana ,marka ay xeyndaabka madaxtooyada soo mayracdaan casarkiina inagu daac-daaca oo inoo qaada heesta “dhulkeena nimcaa fadhida”  Nimcadee dee !! sawtaa qalinqoyantu surbo caadeysa may xabuub yar usoo saaraan. dab liqooyin!

 

Hadii uu Musharax madaxweyne yahay, ku xigeen yahay ama xildhibaano danbe oo la dooranaayo yihiin uma baahnin balanqaad danbe oo baf-baf iyo buugyare ku xardhan, oo marka lagu muraad qumisto ee kursiga lagu fuulo xaga danbe laga tuuro,uma baahnin hadalo aan hilaabneyn oo aan hano qaad aheyn iyo buuftan iyo boolo xoofto badan oo afka baarkiisa ah ee waxaynu ubaahanay waxqabad buuxa oo kontoraat ah oo saxeexan oo damaanad qaad leh , tuseyaal leh ( indicators ) halbeeg lagu cabiro leh ( quality insurance ) oo kala hore iyo horjooge leh ka dibna aynu ku bedelano codkeena, farteena iyo foodkeena markeynu xaqiiqsano in ay ku socondoonaan sidii loogu talo galey. umana baahnin ban ka qooq iyo  kur-ka nool khashaafadaha warbaahinta la iska arko iyo ta leyska maqlo la soo kuurura hadalo iyo hawraar aan marrimneyn oo aan macne badan laheyn. Hadaba maxeynu ubaahanahay?

 

Waxa aynu ubaahanahay Hogaamiyaal mideeyayaal ah, Jiheeyayaal ah, Jideeyayaal ah oo leh karti iyo waxqabad siyaasadeed oo dhow iyo mid dheer.

Waxaynu ubaahanahay Hogaamiyaal leh aqoon buuxda oo muujin kara wax qabad hor leh iyo firfircooni, waxaynu ubaahanahay Hogaamiyaal leh orodorosyo iyo aragti fog oo cokan. Waxa aynu ubaahanahay Hogaamiye buuxinkara oo bishili kara ujeedooyin huwan dherer, dhumuc, naq iyo nuxur lagu guuro oo lagu doogsado laguna diirsan karo. Waxa aynu ubaahanahay in aynu musharaxiinta ku sameyno qiimeyn mug leh oo dhab ah oo ku qotonta cilmigooda,cimrigooda, aqoontooda, garaadkooda iyo garashadooda iyada oo lagu aroorinaayo taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkooda. Waxa aynu ubaahanahay Hogaamiyaal liqsiiya oo ku xasiliya shacabka JSL barnaamijyada siyaasadeed ee ay odorosayaan in ay wadanka ku maamulaan ee ay codka iyo cuudkaba shacabka kaga iibsanayaan.

 

Bal hada eega musuq-maasuqa Xukuumadan Siilaanyo  ay hantidii ummada ku baabiisey tigidh, taswiir,tamasheh,tash-taxaash,tumasho, laaluush, lunsi iyo leexsin. Bal eeg majare habaabka mudnaantii iyo masiirkii ummada, oo la baalmaraayo taas oo ictiraafkii lagu taami jirey uu hada iska noqdey hadaaq iyo halhays. Waxay aheyd in ay caqliga iyo aqoonta shaqsiga dhisaan intaaney dhisin dhaystooda, iyo dhagxaanta ay dhigayaan ee aan dhameystirka laheyn, waxay aheyd in ay waxbedelaan oo ay xiliibnaan iyo xisaabtan la yimaadaan oo ay shacabka ka dhisaan aqoonta oo ah aasaaska nolosha ummadu ku gaadho himilooyinka iyo higsiga nololeed ee ay higsanayaan. Danta guud ee qaranku waxay ku jirtaa in xal laraadiyo oo wadanka laga badbaadiyo hororkan habaqleysiga iyo hormo-qamaamka ka bixi la’ ee hantidii ummada ka yeelay Midigeys,Odeys iyo Irbad iyo gawn ay ku hayaan qudh-qudho joogto ah.

 

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq

Qalinkii A/rahman Fidhinle

Qoraa-Madaxbanaan

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London