Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo sheegay inay difaacan doonaan Degmada Jilib

image

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku hanjabay inay difaacan doonaan gacan ku haynta Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, xilli Maamulka Jubba uu sheegay inay qabsanayaan Degmadaasi.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa waxa uu sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna shaki geliyay in Ciidamada Amisom iyo Jubba ay la wareegi karayaan gacan ku haynta Degmada Jilib.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa ku waramaaya in tan iyo markii ay hawlgaladu Isniintii ka bilowdeen Jubbada Hoose, ay Ciidamada Huwanta la kulmeen weeraro habeen iyo maalinba leh, isla-markaana ay waxyeelo buuran ka soo gaartay, sida uu yiri.

Waxa uu intaa ku daray inaysan Degmada Jilib waxba uga soo horayn Ciidanka Huwanta, aan ka ahayn jabkooda sida uu hadalka u dhigay, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay Ciidamada Amisom iyo Jubba ka difaacdaan Degmadaasi.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo la hadlay Idaacada Andulus oo afka Shabaabka ku hadasha, ayaa wuxuu qeexay in dagaal-yahanada Shabaabka ay ku jiraan wadada xiriirisa deegaanada Buulo Gaduud iyo Kamsuumo, isla-markaana ay adag tahay sidii looga soo gudbi lahaa, sida uu yiri.

Xudeyfa wuxuu Reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka biyo diidan yihiin Shareecada Islaamka oo looga dhaqmo sida uu sheegay dhulka ay gacanta ku heyso Al Shabaab, isla-markaana ay Amisom u adeegsanayaan, sidii ku dhaqanka diinta looga joojin lahaa goobaha ay Maamusho Al Shabaab.

Al Shabaab waxay toddobaadyadii la soo dhaafay ay weyday dhul ballaaran oo ay maamuleysay muddo sanado ah, markii uu hujuum kaga yimid Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya.

Salaanmedia/Mogdisho