SHIDAAL BAADHISTA SOMALILAND WAXAY HORSEEDI DAGAAL SOKEEYE

maqaal

Somaliland oo cagta saartay wadadii ay ku halaagsameen wadamo afrikaan ah oo dagaallo sokeeye naafeeyeen.

Qaaradda Afrika waxa oogadeeda iyo uurkeedaba ka buuxa khayraad dabiici ah oo ilaah ku manaystay. Inkastoo Arika lagu tilmaamo qaarad qani ah, haddana dalalka Arikada madow waxa aafeeyay oo khayrkood ka reebay faqri, jahli, cuduro dilaa ah oo six un ugu faafay intooda badan. Dadwoyka afrikaanka ah ayaan weli fahmin sidii ay uga faa’iidasan lahaayeen khayraadka dhulkooda jiifa. Xukuumadaha ka taliya wadamada Afrikada madow intooda badan ayaa u horseeda dalkooda dagaalo sokeeye oo lagu le’do.  Tusaale ahaan wadamada ay ka midka yihiin, ANGOLA , NIGERIA, CONGO, SIERRA LEONE, LIBERIA, BURKINA FASO, CAMEROON iyo IVORY COAST ayaa waxa ka qarxay dagaallo sokeeye waxaana u sabab ahaa arrimahan hoos ku qoran

  • Waxa yimi sharkado ajaanib ah oo heshiis qarsoodi ah la galay xukuumadihii talada hayay 
  • Xukuumaduhu waxay dillaal ka noqdeen in sharkadahaasi gurtaan khayraadka dalka waxaanay ka  qaateen lacag aan la ogayn meesha la geeyay. 
  • Dadkii deganaa dhulka loo tuhmaayay inuu ku jiro khayraadka ay sharkaduhu dalbadeen ayaa ka soo horjeestay in la gurto khayraadkaas sababtoo ah lama tusin wax loogu bedelay. 
  • Xukuumadihii talada hayay waxay isku dayeen inay xoog ku meel mariyaan mashaariicda sharkaduhu wateen iyana waxay ku taageereen dhaqaale iyo tabo bar ciidamo u gaar ah. 
  • Dadkii shacabka ahaa markii ay arkeen in xoog lagu boobayo khayraadkooda waxa samaysteen jabhado dagaalama oo difaaca khayraadka dhulkooda.
  • Waxa foodda is daray ciidamadii dawladda oo ay dhaqaale ku taageerayaan sharkaduhu iyo jabhadihii hubaysnaa ee qaba’ilku samasyteen. 
  • Waxa markaas qarxay dagaallo sokeeye oo  riiq dheeraaday oo qaarkood  20 sano iyo ka badan socdeen.   

Haatan Somaliland ayaa cagta saartay wadadii ay ku gubteen ee ku rogmadeen wadamo badan oo afrikada madow ah. Muddo aan fogayn ayay ahayd markii ay dalka u soo baratameen shirkadihii soo gubay dalal badan oo afrikaan ah. Xukuumadda Somaliland oo golaheeda wasiiradu u badan yihiin kuwo xoogsato ah oo shilin gurato ah oo  hammigooda qudha uu yahay sidaad laacag ku heshaan ayaa xaraashay khayraadkii dalka oo ku bedeshay shilimo ay jeebka ku shubteen. Waxa heshiisyo aan la soo marin baarlamaanka lala galay sharkado ku caan baxay boobka khayraadka iyo ka ganacsiga suuqa madow. 

Shidaal baadhista Somaliland waxa la odhan karaa waxa hor taagan caqabado macquul ah oo hadaan laga fiirsan dagaal sokeeye hor seedi kara.  Caqabadahaas waxa ka mid ah  

  • Ma jirto siyaasad cad oo loo dejiyay shidaalka iyo khayaraadka kale ee dabiiciga ah mana jiro sharci iyo qawaaniin loo asteeyay in lagu tiirsado hadiiba ay timaado in lala soo baxo khayraadkaas 
  • Ma jiro qorshe maalgashi oo inooga yimi shirkado dammaanad ganacsi oo la hubo oo waddan leeyahay oo ilaa iyo hadda soo codsaday inay  yimaadaan Somaliland oo maalgashi shidaal ku sameeyaan. Waxa kaleliya ee yimi waa dillaaliin shirkado isku magacaabay oo suuqa madow wax ku kala goosta mana laha dammaanad haday heshiiska ka baxaan hadhow lagu qabsan karo. 
  • Somaliland ma haysato aqoonsi caalami ah sidaa darteed waxba kama bedeli karto heshiisyadii hore ee dawladii Somalia la gashay sharkado ay leeyhihiin wadamada maraykanka, ingriiska, jarmalka iyo talyaaniga. Dastuurka Somaliland waxa ku cad in ay tixgelinayso heshiisyadii hore u jiray. Haday Somaliland u joojin weydo heshiishyadaas oo ku tumato sharcigeeda waxay ku waayi kartaa aqoonsiga ay rabto waayo waa ka qayb in la dhawro shuruucda caalamiga ah. 
  • Shacabka reer Somaliland uma bisla arrimaha shidaal baadhista mana ogola in dhulkii ay xoolaha ku dhaqanayeen loo dedelo ceelal shidaal iyo xarumo warshado shidaal. Waxaanu ogyahay qof kasta oo reer Somaliland ahi in hadiiba shidaal la helo aanu musuqmaasuq ka badbaadayn oo aan isaga waxba ka soo gaadhayn. 
  • Xukuumadaha ilaa iyo hadda soo maray Somaliland waxa ka awood badan qabiilka sidaa darteed sharkadaha shidaalka, cidda qandaraaska lasiiyay,  shaqaalaha shidaal baadhista, ciidamada ilaalinaya  sharkadaha shidaalka iyo cidda wadata  haddii laga uriyo qabiil gaar ah oo la dareemo in qabyaalad eex iyo qaraabo kiil ay ku dhex laaqantahay,  ma aqbalayaan beeluhu inay deegaankooda far la saaro, haddii kale dagaal ayay ka xigaan. 

Ugu danbayntii waxaan xukuumada talada haysa usoo jeedin lahaa ina ay joojio ciidanka ay tabo baranayso ee ay ku  magacawday OPU. Haday isku daydo in ay awood u isticmaasho shidaal baadhista taasi waxa hor seedi doontaa dagaal sokeeye  oo daba dheeraada, sababtoo ah ciidamada OPU waxa loo arkaa inay u dhisanyihiin qaab maleeshiyo beeleed, ninka gurigiisa ay ugu yimaadaana xabbad ayuu kala hor tegatayaa.  

Xukuumada waxaan leeyay sax ma aha in shacabkii aad dawladda u ahaydeen aad guryahooda, berkadahooda, iyo sabada xooluhu u daaqaan la jiidhsiiyo sarfay oo qori caaradii lagu baadho dhulkooda iyadoo aan waxba laga weydiin waxbana loogu bedelin oo weliba loo samaysto ciidan madaxa ka toogta ciddii ka hadasha dulmiga lagu hayo. Waxaan leeyahay waa ayaan darro in sidaa loola dhaqmo shacabkii shalya idin doortay oo waxaas loogu abaal gudo.

By : Cabdixakiim    Muuse    Cali 

Â