Shir uga qabsoomay gudida beesha Ciidagale magaalada London ee carriga Ingiriiska go,aanno ka soo baxay shirkaas iyo baaq dheer kuna wajahan qaranka jamhuuriyada Somaliland

Bismillaahi Arramanirraxeem.  Ummada reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

unnamed (1)

Waxaa shir uga qabsoomay gudida beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) dalka Ingiriiska magaalo madaxdiisa London, maalintii sabtida ahayd kuna beegnayd 11/10/2014, shirkaas oo ay kaga arrinsanayeen danaha beesha iyo guudahaan xaaladda dalka jamhuuriyadda Somaliland,

 unnamed (4)

Shirkaas oo ku furmay Aayado Qur,aanka kariimka ah

Ugu hoorrayn waxaa ka hadlay guddoomiyaha jaalliyada beesha mudane Deeq Cabdi Digale,waxaanu si faahfaahsan uga warbixiyey  wixii gudida u qabsoomay iyo qorshayaahsa ku talo galka ah ee loo baahanyahay in la qabto,waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyey sidii loo wada ilaalin laha nabadgelyada iyo xasilloonida guudahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxa iyaduna hadalo dhaxalgal ah ka soo jeedisay guddoomiyadda isla gudida ee garabka haweenka marwo Marwo Amina Xaashi Guuleed oo ku dheeraatay sidii loo wada ilaalin lahaa nabadagelyada waxaanay ka dayrisay arrinta laga soo cusbooneeyey Tiyaatarka Magaalada Hargaysa oo hore si wada jir ah heshiis looga gaadhay, laguna tilmaami karo fidno abuur aanu shacbiga Somaliland u baahnayn, waxaa kale oo hadallo murti leh ka soo jeediyey kulankaas Guddoomiye ku Xigeenka gudida Mudane Mustafe Cabdilaahi Ismaciil oo ku dheeraaraday muhiimada ay leedahay wada shaqayntu iyo in loo hagar baxo danaha beesha iyo guudahaan qaranka reer Somaliland,waxaa kale oo shirkaa ka wada hadlay Mudane Fuad Cisman Muxumed,Maxamed cabdi Oomaar,Marwo Sahra Ismaciil Xasan,Marwo Hodan Suldan Rashid,Marwo Foosiya Cisman Cawaale,waxaanay dhammaantood ku celceliyeen sidii loo wada meel looga wada soo jeedi lahaa midnimada beelaha Somaliland, waxaanay raaciyeen in sharciga dalka u sidiisa loogu dhaqmo ciddii garab martana sharciga la hor keeno.

 unnamed (2)

Shirkaas waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran.
  1. Nabadgelyada dalka Somaliland oo si wada jir ah loo ilaaliyo.
  2. In ay beelaha reer Somaliland midnimadooda meel uga wada jeestaan beesha Ciidagalena hormood ugu ahataato,taas oo qarannimada tiir adag u ah.
  3. In beesha Ciidagale saamiga dawladda aan laga duudsiyi karin.
  4. Sharciga dalka u yaalla oo sidiisa loogu dhaqmo.
  5. In ciddii sharciga dalka baal marta ama ku gafta dacwad lagu soo oogo hadday shacab tahay iyo xil hayeba sharcigana loo sinnaado.
  6. Laga dheeraado wixii dalka fidno u keeni kara,gacan bira lagu qabto ciddii ku kacda.
  7. In cadawga dalka meel looga wada jeesta il gaarana lagu wada hayo.
  8. Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah albaab walba u garaaco aqoonsiga dalka oo aan cid gaara lagu hallayn.
  9. In arrinta Tiyaatarka magaalada Hargaysa  ee ay hadda xiisadeedu taagantay xubnaha dawlada ee dabka hurina ummadu iska qabato sharcigana la hor keeno.
  10. Jalliyada beesha Ciidagale waxay xoojinayaan in ay beeshu shir isugu timaado ay aayaheeda kaga tashanayso inta aanu sannadkani dhammaan 2014.
  11. Dawlada waxaanu ku waaninayna in ay rabitaanka shacabka tix geliso oo aanay dhayalsan.
  12. In la iclaamiyo jaalliyada beesha ee deggen uk shir ay isugu iman doonto bisha December 13/2014.
Gudidu waxay qodobkan 9 aad ka soo saartay Baaqan ku wajahan dawlada iyo muwaadin kasta oo reer Somaliland ah iyo cid walba oo nabadgelyada dalka danaynaysa.
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo GudigaDiiwaan-Gelinta
Taariikh: 14/10/2014Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) waxaanu uga digaynaa xubnaha dawlada ka midka ah ee fidnada dalka ka hurinaya in ay ka waantoobaan dhibaatada ka dhalan karta ficilka foosha xun ee ay ku kacayaan ,kaas oo ah arrinta Tiyaatarka ee hore looga heshiiyey si wanaagsana loo soo afjarayunnamed (3)

Beesha Isxaaq Carre oo Mawqif Cad Iska Taagtay Dib u Dhiska Tiyaatarka
Hargeysa – Tvsomalilandeurope.net ( TV SL E ).
Wednesday-08/12/2010

 

Martiqaadkana oo lagu Qabtay Hotel Xaraf Hargeysa, Waxay Beesha Isxaaq iska Leexisay Hadal Hayn Maalmahaa la Isla Dhex Maraayey oo ahayd in Qas Nabadgelyo Darro, Keeni Karta Horjoogsadeen Dhismaha Tiyaatarka. Waxayna Madaxdhaqmeedka,Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Isxaaq Kulankaa Qado Sharafta ahaa ugu Sheegeen in ay Beel ahaan Dhismaha Tiyaatarka Kala Mid Yihiin Beeelaha Kale ee Ku Dhaqan Caasimadda,una Hoggaansan Yihiin Sharciyadda uu Dib u Dhisku Ku Bilaabmay Kuna Socdo.

Munaasibadan oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirada warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljira), wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Dr.Xuseen Xoog). Waxa kale oo goob joog ka ahaa xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada. Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay salaadiinta labada beelood ee Isaxaaq Carre iyo Ciida-gale, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka guud ee beesha Isaxaaq Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray iyo Suldaanka Abokor Muuse ee Ciida-Gale Suldaan Aadan Faarax.Masuuliyiinta kale ee goobta kulanka ka qaybgalay waxa ka mid ahaa ganacsatada labada beelood qaarkood oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Axmed Boodhle Yuusuf, Maxamed Baarjeex, Maxamed Shugri, Cago-wayne (Star Group), Cabdi Beykin, Cismaan Hugur (Guuleed) iyo C/kariin Yuusuf Cismaan.Salaadiinta kale ee goobta joogay waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Cabdi, Suldaan Cali Baane iyo Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib.

 

Masuuliyiinta dawlada iyo madaxdhaqameedka beesha CiidaGale ee kulankaas qado sharafeedka ahaa ka hadlay waxay beesha Isaxaaq uga mahad naqeen mawqifka wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay iska taageen dib u dhiska Tiyaatarka Hargeysa.
Madaxdhaqameedyada labada beelood iyo waxgaradka labada beelood waxay cadeeyeen in dib u dhiska Tiyaatarku ay tahay arin mihiim ah oo waxtar u leh bulshada ku dhaqan caasimada, waxaanay xukuumada ku dhiiri galiyeen inay fududayso gacana ka gaysato hawlaha dib u dhiska Hoyga dhaqanka ee Tiyaatarka.Ugu danbeyntii waxa hadaladii laga soo jeediyey kulankaa soo gunaanaday wasiirka duulista iyo hawada Maxamud Xaashi Cabdi, waxaanu cadeeyey in siyaasada xukuumadiisu ay tahay in la ixtiraamo go’aamadii uu maamulkii ka horeeyey bilaabay fulintooda oo xukuumada hada jirtaa ay ixtiraamayso.

 
Haddaba arrinta sidaas ku dhammaatay in dib loo soo cusbooneeyo waxay gaf ku tahay dadka sharafta leh ee sida wanaagsan u soo gunaaday ,waxaa kale oo ay baal mareen xubnahaas qas wadayaasha ahi dhaqanka reer Somaliland ee soo jireenka ah iyo milgaha kala damabaynta dalku ku soo caanamaalay,waxaanu madaxwaynaha jamhuuriyada dawladda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud ka codsanayna in uu arrinta iyo gafafka kale ee beesha Ciidagale lagula kaco uga digo cidda faraha kula jirta, si aanay nabada dalku gacanta uga bixin,waxaa la ogyahay in beeshaas inta badan lagula soo dhiirrado gar darrooyin aan qarsoonayn,beeshuna ay xeeriso ilaalinta nabadgelyada ee qaaliga ah ,haddiise xadka dulqaad la dhaafiyo waxaa iman doona wax aan la sadaalin karin. 
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.

Deeq Cabdi Digale

 

 

Â