Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo xalay si kulul kaga hadlay Idaacadaha iyo Suxufiyiinta u xidhan Dowladda Soomaaliya.

 

Siyaasiga C/laahi Sheekh image oo ka tirsan Siyaasiyiinta degan Magaalada Muqdisho, ayaa caawa si kulul kaga hadlay xariga Idaacadaha Shabelle & SKY iyo afarta Suxufi ee u xiran Dowladda Somaliya.

C/laahi Sheekh Xasan, ayaa ku waramaaya in uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ku booqday afarta Suxufi ee Dowladda u xiran, isla-markaana ay ka muuqaneyso daruuf adag, xilli maalmo ka hor ay bilaabeen inay cunada ka soomaan.

Siyaasiga, ayaa si caro leh u sheegay inaan la aqbali karin in wax aan la ogayn ay ku xirnaadaan Idaacadaha iyo Suxufiyiinta, iyadoo uu Dowladdu weydiistay inay Maxkamad horkeento amaba ay dib u fasaxdo.

Haddii ay sii xirnaadaan Suxufiyiinta madaxa banaan, ayuu sheegay inay dhibaato weyn ku keeni doonto Dowladda Federalka ee Somaliya, isla-markaana ay u wanaagsanaan laheyd inay iska fasaxdo, ka hor inta aynaan dhibaato kaga imaan.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya uu ugu baaqay inay arrintaan ka dhiidhiyaan, haddii kalana ay hadhow saamayn ku yeelan doonto, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu Dowladaha deeqda bixiya uu ugu yeeray in dhaqaalaha ay Dowladda ugu yaboohayaan, ay ku dhibaateyneyso Warbaahinta & Suxufiyiinta madaxa banaan iyo dadka kale ee u dooda xoriyatul qowlka.

Xoogaga Nabad Suggida, ayaa 15-kii bishii August albaabada isugu laabay Idaacadaha Shabelle iyo SKY, waxaana dadka u cuntami la’ inaan Maxkamad ah la horkeenin Suxufiyiinta, iyagoona xiran bilaa xukun Maxkamadeed.

Salaanmedia/Mogdisho