SIYAASIGA QABO OO DHALIILAY HESHIISKII URURKA XAQSOOR LA GALAY XUKUUMADA IYO XISBIGA KULMIYE…

image

Hargeysa(SM)Siyaasiga Maxamed Ibraahin (Qabo), oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Ururkii hadhay ee Xaqsoor, ayaa sheegay inay gebi ahaanba fashilmeen Heshiisyadii ay Ururradii Hadhay la galeen Xisbiga Kulmiye markii ay ku biirayeen, ka dib markii buu yidhi la laalay xeerkii xisbiga ee Heshiisyadooda lagu fulin lahaa wakhtigii shirweynaha oo lagu bedelay in beelo lagu soo xulo ergooyinkii shirkaasi.

 

Maxamed Ibraahin Qabo oo shalay u warraamay Bulsho TV, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in garabkii uu hogaaminayey ee ahaa Ururkii Xaqsoor aanay waxba ka fulin laba heshiis oo ay la kala galeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, isaga oo hogaanka sare ee Xisbigaasina ku eedeeyey inay qabyaalad dib ugu noqdeen, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac weyn ku noqotay iyaga.

Maxamed Ibraahin qabo oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye waxaanu ku biirnay Bishii 11-aad ee Sannadkii Hore oo noqonaysa Bishan soo socota bisheedii, waxaanu ahayn garab ka tirsanaa Ururkii Xaqsoor, welina sidii ayaanu ugu jirnaa in kasta oo aanuu fulin heshiiskii aanu la galnay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa aanay ka fulin oo weliba xagga hogaanka sare aanay ka fulin oo la is hortaagay iyo heshiisyadii aanu Xukuumadda la galnay midna muu fulin illaa hadda, Heshiiskii aanu xukuumadda la galnay waxba kama fulin kii aanu Xisbiga la galnayna waxba kama fulin hadaanu nahay garabkii Xaqsoor ee ku soo biiray Kulmiye, hadana weli waanu eegaynaa oo khilaaf ayaa jiray waanuu soo dhamaaday hadana waxa la filayaa in la qabto shirkii golaha dhexe oo kaasna in sida ugu dhakhsaha badan ayaanu filaynaa”

Siyaasi Maxamed Ibraahin Qabo oo sii faah faahinaya sababta heshiisyadoodii fashilisay, waxa uu yidhi “Laba heshiis ayey ahaayeen mid aanu la galnay Xisbiga iyo mid aanu la galnay xukuumadda, markaa ka xisbiga Ururro badan oo ku biiray ayaanu kala mid ahayn, in kasta oo anagu aanu ahayn ururkii ugu adkaa oo heshiiskayagu ahaa siyaad ama xaalad taagnayd markaa oo xasaasi ah, hadana ururaddaas ayaanu kala mid ahayn, Shirweyhihii waxa ay ahayd inay ergooyinku ka yimaadaan Gobolada iyo degmooyinka, laakiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ama hogaankuba waxa ay isla garteen in la qabyaaladeeyo oo reero la yidhi xeerkii xisbigana la laabay, markaa heshiiskayagii wuu buray oo dhamaan heshiisyadii ururradu way bureen, sida Rays, Dalsan, Xaqsoor iyo dhamaan Ururradii ku biiray heshiiskayagii wuu buray, waxyaabaha aan aad ula yaabay ee Xisbiga Kulmiye waxa weeyaan imika tallaabo ayaanu dib u qaadnay oo ah inaanu reero dib ugu noqonay, waxa aynu xisbiyada u samaysanayna waa in qabyaaladda la tirtiro, laakiin iyagu Xisbiga Kulmiye waxa ay u arkaan inay faa’iido u tahay, markaa waxa uu heshiiskayagaasi ku buray reerihii ayaa dib loogu kala faylay oo urur kastaaba dib ugu noqday heshiiskiina sidaas ayuu ku buray, arrintaasina anaga dhaawac ayey noo geysatay xisbigana dhaawac ayey u geysatay, khilaafkaas xisbiga ka jirana kaas ayaa kow ka ah oo marka reer la kala noqdo labadii nin ee saaxiibka ahaa ayaa kala tegaya oo reero kala noqonaya, taas oo nagu noqotay la yaab, laakiin kan kale ee xukuumadda weli far ayaa noo taagan” ayuun yidhi Mr Qabo

Xigasho:Wargeyska Saxansaxo

 

Halkan Ka Akhri Siyaasiga Qabo Oo Ammaanaya Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Heshiiskii Ururkii Xaqsoor La Galay Madaxtooyada

Siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo, oo ka mid ahaa Garabkii urur siyaasadeedka XAQSOOR ee ku biiray xisbul-xaakimka Kulmiye, ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen Kulmiye iyo waxa ka fulay.

Maxamed Ibraahim Qabo, oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha Somaliland ee socdaalka ku jooga Berbera, ayaa sidoo kale ka hadlay xilka ama Magaca uu Madaxwaynaha kula socda, Maadaama oo aanu ahayn masuul xukuumadda ka tirsan.

Mr. Qabo, oo Wareysi Siiyey Wariye Siciid Cabdi Xuseen, ayaa sheegay in guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ay dhaqan-galiyeen heshiiskii ay galeen isla-markaana shirwaynaha xisbigaasi ay ku yeelan doonaan 110 cod, loona ansixiyey taasi.

Mr. Qabo oo ugu horeyn ka hadlaya xidhiidhka garabkoodii Xaqsoor ka soo go’ay la leeyihiin Kulmiye, ayaa yidhi “Xidhiidhka annaga iyo Kulmiye na dhex maray muu ahayn qarsoodi, waanagii xafladda qabanay 2013-dii, doraadna waxa guddida fulinta ee Kulmiye ay meel mariyeen heshiiskii na dhex maray, kaasi oo ka koobnaa inaanu qaybaha Kulmiye dad ku yeelano”

Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu sheegay in Guddida fulinta Kulmiye ay ururkooda Xaqsoor ay shirwaynaha Kulmiye ka siiyeen 110 kursi “Waxaa lana siiyey oo Xaqsoor shirwaynaha ku yeelan doonaa 110 Kursi, markaa 110 cod ayaanu ku yeelanaynaa shirwaynaha xisbiga Kulmiye, waxaanu ahaa heshiis qoraal ah oo aanu kala saxeexanay oo labada dhinacba aanu si wanaagsan isula meel dhignay, sidaas ayaanu ku dhammaaday” ayuu yidhi, waxaanu “Madaxwayne Siilaanyo waa Madaxwaynihii u horeeyay ee isku soo mara 600KM iyo in ka badan, wuxuu soo dhagax dhigay dekedda Lughaya, waxa uu soo dhagax dhigay waddadii isku xidhaysay Lowyacaddo Iyo Borama, wuxuu soo furay Mashaariic badan, markaa dhaliil lama waayo, laakiin waa xukuumaddii ugu waxqabadka badnayd intaan arkayey, inkasta oo aan annigu Mucaarad u badnaa, haddana waxqabadkani waa wax dhab ah oo jira”

Siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo, oo la waydiiyey magaca ama xilka uu kula socda Weftiga Madaxwaynaha, maadaama oo aanu ahayn masuul dawladeed, ayaa ku jawaabay “Annigu weftiga Madaxwaynaha waxaan kula socdaa qurba-joog ahaan, weftiguna wuxuu ka kooban yahay qaybo faro badan”

Qabo, oo sidoo kale la waydiiyey xidhiidhka isaga iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo fariinta uu u dirayo, ayaa yidhi “Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, xidhiidhkayagu koley laba nin oo soo wada shaqeeyay, ururkana ku wada jiri jiray, wax dhib ah oo na dhex yaallaa ma jiro. Xasan Ciise Jaamac, waa nin iga weyn oo iga siyaasisan, muddana ku soo jiray siyaasadda Somaliland, inaan fariin u diro iigama baahna, intaan annigu arkayo in ka dheer inuu arkayo ayaa dhici karta, koley isaga ayuu go’aanku u yaallaa….”

Qabo, oo sidoo kale la su’aalay fariinta uu u dirayo Mucaaradka, ayaa ku jawaabay “Siyaasiyiinta Somaliland, Mucaarad iyo muxaafidba waxa dhex u ah dadwaynaha, markaa dadwaynuhu way arkaan ninka u xiiraya iyo ninka ku xagaya…”

Salaanmedia/Hargaysa