SOMALILAND: DOORASHOOYIN BAA LAGA QABANAYAA, WAA SHEEKO ARRAWEELO!

SOMALILAND: DOORASHOOYIN BAA LAGA QABANAYAA, WAA SHEEKO ARRAWEELO!

maqaal

Doorashooyin ayaa Somaliland 2015ka la qabanayaadu, madaxtooyada Somaliland waa ka “sheeko Arraweelo”. Waa ka “Maantana far baa maydh la’e, ha ii fadhiyo geelu!” ODAY BIIQAY loo helyaa mooyI eh, shicibka Somaliland waa u jiilaal dabo dheer haraadkiis.

 

Saddexda Xisbi Qaran wax ka lilaahiye mooyi. Haba sii kala darnaadeen eh, saddexduba waa ay laangadhaynayaan. Qaybi-oo-xukuntii doorashooyinkii 2012kii,  waxa ka soo baxay Xisbiga UCID oo lugta Bari ka laangadhaynaya iyo WADDANI oo lugta Galbeed ka liicaya. 

 

“Intaad qalaysay ayaan qabinayadii” Ina Biixina, dalbihii KULMIYE waa ay sii kala fogaadeen. Lug baa Bari guntii siyaaro ugu maqan. “Doondoona” ayaa KULMIYE u dambaysay. Wasiirka wasiirraduna — haddii uuba ergo uga dabo tagi lahaa — Sheekha JIIDALI yaal, afka lagula hadlo ma yaqaan!

 

MADASHA WTQ ayaa badbaado laga sugayaa. Durbaanka iyaga ayaa hore u tuntee, “Oday Biiqay” ummadda ma u noqonayaan? Mise “guura-degada” burhaantoodu ma dhaafto? Jiib iyo jaan shicibka kama waayeen, ciyaarta haddii ay boodayaan? Marka ay kululaato haddii ay dib-u-gurashada daayaan, “sheeko Arraweelada” ina daashatay, ODAY BIIQAY waa ka noqon karaan. Qarankana waa badbaadin karaan.

 

Inta MADASHA WTQ Oday Biiqay laga sugi, waa inoo “maaweelo caruur”. Waa inoo daawashada tabcooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada isku wadaan. Waa inoo ku-dhego-barjowga ii-xageedooda” iyo qori-qori-ku-taagooda. Madadaaladaas ayaa aan ku jiraynaa ilaa doorashada waqtigeedu dhacayo. 

 

Saadaashu sida ay tahay, doorasho dhacaysaa ma jirto. Tuhun baana isa soo taraaya. Waxgaradka qaarkiis ayaa is weydiinaya: “Halkee laynaga hagayaa? Ma shisheeyaa ina hagaya? Hadalhaynta doorashooyinka lagu haraadye, xaggee la inoo aroorinayaa? 

Hubaashii, doorashada waqtiga waa laga ridayaa. Marka ay shin-dhaaftana, Guddida Doorashooyinka ayaa “ma qabsoomi karto” talo ku soo jeedin doonta. Shirguddoonka Guurtida ayaa ka adeegi doona. Muddo-kordin ayaa ODAYGA lala tiigsan doonaa. Al-Tanaasuliya ayaa loo cuskan doonaa.

Mako miyaa guban haddii la is weydiiyo: Ma doorashooyinka Soomaaliya ugu muddaysan 2016ka ayaa la isku simayaa? Kal dambe ayaa la hubsan doonaa in “gorayo haad noqoto”. Xerta madaxtooyada Somaliland ka arrimisaa in ay Dariiqo-wadaag la tahay xerta DAMUL-JADIIDKA XAMAR iyo in kalena, bishuba horteen na imani doontee!

Prof. Hared Odah