Soomaliland Manta Uma Baahna Dhiig Daatta,laakiin Waxay U Baahantahay Dhidid Daatta.

nadaara(Shalay)Malaha waxaynu iloownay sababtii loo soo marayay in la dhiso ama la taago in Qaran in La dhiso La Taago –Lasimo –La Curiyo-La maamuso Lagu Nasto –Lagu meel –maro ,Lagu Dago –Lagu Raaxaysto Qaran dhisan oo ku taagan cagiisa kana maarmay Is garabtaag mijanahana ay u hayaan Rag ilaahay ku manaystay Caqli –Mudnaan,iyo garasho siyaasadeed .

(Maanta)Maanta waxaynu malaha iloowsanahay waxay soomaliland soo martay ,waxaaynu kaloo niyadda ku haynaa inay manta ka bixi la dahay Kana saar kana sib ,kana xidh kana u jawaab ,kana sharaxa,kana dumi kana dhis .

Markaa waxaan Reer soomalilandow idin sheegayaa inaanay u baahnayn soomaliland manta Dhiig daatta laakiin ay u baahantahay Dhidid Daatta,Fadlan Qofka Ciwaankaa Fahmay Bal Haysoo sheego.

Xaalka oo halkaa maraya iyo maraxaldda oo ceegagta waxaan shacabka xasuusin lahaa inay ilaashadaan nabadooda ,Dalkooda waayo Aduunyadan ay ku noolnahay Qof-walba Qaran walba ,Qiima kasta waxa uu ku yimaadaa ,In la ilaashado sumcada,Çiidada ,Calankaaga,Cesigaaga ,Ciidankaaga ,Markaas ka dib waxaa imanayaa meesha ,In lagu Karaameeyo,In Lagu ciseeyo,In lagu Ixtiraamo,lkn taasi waxay ku xidhantahay sida adiga lagaadareemo ,Hadad kala Fur furantahay –waa lagu kala Fur-furin ,Hadad isku Duubantahay Dib ayaa lagaaga Joogsan ,waxaan u socdaa Aan hadalka saafee Waxaa laynooga baahanyahay Dawlad ,Shacab,Mucaarid ,Muxaafid ,Dhamaan bulshada oo dhan inaynu Ciidankeena ,Habeen iyo Maalin inoo soo jeeda inaynu ,is garab,taagno? Runtii Dawladuna way ku amaanantahay ,xagga ciidanka.

Laakiin waxay inaga tahay Hamo Tusaalayn ,Hiigsi,Horumar ,iyo inaynu shacbigeena tusno waxa yaalaha aynu u aragno inay tahay lama Qaataan ,Lama Racaan ,Lama Yeelaan ,Lagama Aamusan, taas oo ay xaq inoogu leeyihiin Dalka ,Dadka ,Diinta ,Dantada Dadka,,taas oo aha ,inaynu cadayno ,sidaynu Dawladeena ,u garabtaaganahay, markaas yanan intaa ku sii gudo dhicine ,waxaynu bulshayahay lama dhaafaankaa ee ilaahay ku manaystay caqliga laynooga baahanyahay Inagoon ahayn Qabiil,Koox ,Xisbi gaara , iwm laakiin ah Intaas iyo in ka sii badan oo isu tagtay inayu ilcad, Qalbi Saafiya, Gacmo wada jira inaynu ku baadi goobno Aqoonsiga Soomaliland Difaaca Soomaliland,Qaranimada Soomaliland, oo aynu la garab iyo geedi taagnaano Qaranimada iyo Qiiraalka ,Horumarineed ee Dalkeena Hooyo inooga baahanyahay,Gaar ahaan dhalinyarada ,waxaan odhanlahaa ,Waar Inamo ,Iyo Hablaba ,Ciidanka ,iyo Ciiduba way idin baahantahaye ,Garta,Cadawgiina,Nacabkiina ,Dawladiinana,iyo Ciidankiina Mujaahidiinta Qarankana ,Is Garabtaaga,Intuu wakhtigu Idinku dhaafay ,Qabiil ,Qaad,Qiiro-Jabaan Gabaan .

Xaqiiqadii hadaynu isha u yar celinoWaxaad maanka maskaxada aad ku haysaan in Qaran walba uu leeyahay Dan Duluceed Dan Deegaameed Dan Guud taas oo aad inagana ogtihiin sababihii loo aasasay Qarankan Qiimaha Qadarinta iyo Maamuuska inaga mudan taas oo aad ogtihiin inaan daah inaga saarnayn halka uu maraayo,hada-oo ah inaynu gaadhay Madaxweeyne daacada ,iyo shacabdaacada iyo halkuu ka soo bilaabmay – Taas oo uu soo maray Qabiil-Qiiq –Qaran Qiir –Qiiraaro-Qunyar socod –Qadarin la,aan –Qiiqsi –Qimo –Qimo –Qiran –Qoomamo-Qoomal -Rogad iwm taas oo sababtii loo soo marayay ay ahayd in La dhiso La Taago –Lasimo –La Curiyo-La maamuso Lagu Nasto –Lagu meel –maro ,Lagu Dago –Lagu Raaxaysto Qaran dhisan oo ku taagan cagiisa kana maarmay Is garabtaag mijanahana ay u hayaan Rag ilaahay ku manaystay Caqli –Mudnaan Aqoon garasho,balantooduna ay ahayd –waxay dhibta iyo Buuraha iyo Banaanada ay u soo bacad Caraabeen Mujaahidiin badan oo hab odhaaheedkoodu aha =Aynu waxa wada Qabsano ,Aynu waxa Wada Cuno ,Aynu waxa isu sheegno,Aaynu is Toosino,Aynu Qaran –Qabiilka tegay dhisano Dabadeed ku waarno Nolol-Noolansho –Nasashiisho –iyo Neecaw –Naxariis Aqoonsiyeed wadata.,waxa waxaas oodhan loo smaynaayayna waa inaga ee Nacalaba Ragoow/Habeenow ,Oo Dawladaiina Dadkiina Dadkiina Isgarabtaaga ,Oo isku Duubnaada,Oo Hiil ,iyo Hooba ,Muujiya ,Oo Cadifadan ,gaaban iska ,daaya,Oo Barta Xuduudihiina .

Guntii-GebaGebadii:Maanta intaa ayaan ku joojinayaa waxaan idin hayaa Akhristayaal,Qoraalo xiiso badan ,oo ku saabsan Mawduuca ,Hadaba wixii Taariikh,Wixii ,Wanaa ,Wixii Canaana Wixii fekera waan soo dhawaynayaa ,Bal Qof walowba isku day inaad waxa iiga Faa,idayso, LASOCO QAYBTA 2AAD OO FAAH FAAHSAN,OO U BADAN TAARIIKH,IINsha allah.

Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/Somaliland

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

Mobil:0634431347