SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDIQAADIR OO SI ADAG UGA HADLAY KHILAAFKA KA DHEX QARXAY GOLAHA DEEGAANKA CAASIMADA HARGEYSA, BAAQNA U DIREY XILDHIBAANADA DEEGAANKA

Daawo Muqaal,Suldaanka Guud Ee Saladiinta,Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Difaacay  Golaha Deegaanka Hargeysa…

“Maayirkana waxaan leeyahay ninna ha baryin cidna waxba kaa qaadi mayso hana ku mashquulin iyaga ee hawshaada kale waddo”Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Hargeysa,(SM):-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) ku amaanay wax-qabadka uu sameeyey mudaddii xilka hayay,isla markaana xildhibaanadda Golaha Deegaanka Caasimada  Hargeysa ku canaantay inaanay  khalkhalgalin habsami-u-socodka hawlihii loo soo doortay.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu kula taliyay Maayir Cabdiraxmaan SOLTECO in aanu ku mashquulin xildhibaanadda.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan idinku yeedhay maalmahan dambe waxa dhaqdhaqaaq ka socday dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaan leeyahay dadka Golaha deeganka reer ma dooran, ee waxay ka kooban yihiin dhamaan deegaanka reer Somaliland oo dhan weeyaan codkooddii ay dadku siiyeen ayay ku soo baxeen.Sidaa darteed waxaan leeyahay xildhibaanaddu ha ka feejignaadaan waxan ay wadaan.”

 

“Muddo gaaban ayuu maayirku shaqaynayey wax-qabadkiisa waa la arkay oo wax la dafiri karo maaha, kolay qofku beel buu ka dhashaa, maayirkuna beel buu ka dhashay ragga ay isku beesha yihiin ee hawshan wadaa waxaan leeyahay dib-u-joogsado oo idinku keligiin maayirnimo ma lihidine, waxaad ogaataan in haddii maayirkaasi ridaan aydaan maayir dambe noqon doonin oo beelaha kale idin la tartamayaan, taasina waa fursada aad bixisaan.”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Mudaddii uu Jiciir hayey Maayirnimada in leeg ama ka badan ayuu haynayaa “Waxaan leeyahay beesha uu ka soo jeedo maayirku ragga ay ka soo wada jeedaan arrimaha aad wadaan ka joogga, haddii kale annaga uun-baa isa soo xayd xaydi oo iman doonno. Intii uu Jiciir hayey in leeg ilaa uu hayo ciddna ka yeeli mayno inuu arrin kale u dhigo, mudaddii uu Jiciir hayey in leeg ama ka badan ayuu haynayaa”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed

Xafiiskaaguna yaanu noqon mid Golaha deegaanku u soo sheeko tagaan,taas waxa ku lumay wakhtigii uu Jiciir hayey 25-ninba xafiiska uun-bay joogi jireen “Dee shan iyo labaatankiina Xildhibaan haddii aad wada maayIr noqotaan dee heli maysaan, maayirkana waxaan leeyahay ninna ha baryin cidna wax-ba kaa qaadi-mayso hana ku mashquulin iyaga ee hawshaada kale waddo, madaama oo aad adigu tahay maayirka maayarada Somaliland waa inaad hawshaada iyo wax-qabadkaagu  ku mashquushid, xafiiskaaguna yaanu noqon mid Golaha deegaanku u soo sheeko tagaan,taas waxa ku lumay wakhtigii uu Jiciir hayey 25-ninba xafiiska uun-bay joogi jireen shan iyo labaatanka Maayir oo is wada ag fadhiya ayey ahaayeen.Ninkii hunguri ka hayo inuu maayir noqdo annaga cidnaba ka ogolaan mayno  anaga raga kala naqaana ka wax qabanaya iyo ka kaleba, kaas ayey ummaddu dooratay, dadkan Golaha deegaanku doorteen ma matalayo 25 Xildhibaan oo kaliya ee wxuuu matalayaa ummadda oo dhan”.Ayuu yidhi Maayar SOLTECO

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Haddii maamulku waayo kala dambeyna waxa soo wadaan waa qas iyo buuq ka dhasha uun, taasna uma baahna umadda Somaliland, haddii aad jeceshahay in shacabku kalsoonidi idin kala noqdo waxaan aad wadaan ku sii socdda haddii kalena dib uga laabta waxaan aad maalmahan bilowdeen ee kursi jecelka ileyn wada maayar noqon maysaanne nin buu ilaahay u gartee u daaya ninkaasi uun”.  

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hayaannews