Suxufiyiinta Dowladda Somaliya ugu xidhan Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Maalintii 3aad Cunada Ka Sooman

image
Muqdisho (SM) – Suxufiyiinta ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa waxay maalintii 3-aad ka sooman yihiin cuntada, taa oo keentay in Taliska Xabsiga Dhexe uu warqad u qoro Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

Suxufiyiinta cunada ka soomay, ayaa waxay tiradoodu dhan tahay afar Suxufi, waxa uuna ka dambeeyay go’aanka ay cunada kaga go’een, markii ay Cadaalad daro tirsadeen.

Saddex ka mid ah Suxufiyiinta, ayaa waxay xiran yihiin 48 maalmood, halka midka kalana uu xidhan yahay 25 maalmood, waxaana jirin Maxkamad si rasmi ah loo horkeenay, iyagoona xiran bilaa xukun Maxkamadeed.

 

Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse Maxamuud, oo maanta Xabsiga Dhexe ku booqday Suxufiyiinta ku xidhan, ayaa waxay dib ugu soo celiyeen cunto iyo sharaab uu u geeyay.

Taliska Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa maanta waxa uu warqad u qoray e Ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana warqada ku qoran wargelin ku beegan in Suxufiyiintu ay cunada joojiyeen, ayna dalbanayaan inay helaan Maxkamad Cadaalad ku dhisan.

Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa waxay ku fashilmatay in kiisaska Suxufiyiinta ee xiran ay ku wareejiso Maxkamada Gobolka Banaadir, si Maxkamada ay u kala cadeyso in dembiyo lagu heysto iyo in kale.

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Magaalada Muqdisho, ayaa toddobaadyo ka hor sheegay in Madaxda Dowladda ay kala hadleen xariga Suxufiyiinta, ayna u sheegeen in Maxkamad la horkeeni doono, balse aan weli la horkeenin.

Salaanmedua/Mogdisho