Tirsigii 2-aad ka bogo Liiskan dhinaca ka raran ee Qandaraasyada Musuq maasuqa lagu bixiyey taas oo xayndaabkii madaxtooyada ka dhigtey aboor iyo daani aan dhergeyn, qalinkii A/rahman fidhinle

maqaal
Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay hogaanta wadanka haleeshay waxaa dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba ay Xukuumadii Xeyndaabkii Baananka JSL ay ku xareeysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeqbixiya yaashu JSl ugu deeqaan. Taasina waxay sababtey in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad ku taajirey naasnuujinta dawladan musuq badan mudo kooban . Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku shaqeysta oo laba lisay amaanadii lagu aaminey. shaqsiyaad ku xafladeeda oo cidii uudoona ku casuuma hantidii koobneyd ee qaranku lahaa, Waxaana ay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, iidaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka saartey in la is aamino mucaarid iyo muxaafidba. Bal ufiirsada Qandaraasyadan hoose sifihii lagu bixiyey iyo cidii la siiyey:

1- Qandaraaska Tababarista ciidanka Ilaalinta Shirkadaha shidaalka oo si xaqdaro ah loo ga qaadey Shirkada Weyn ee Mareykanka ah ee R4, lana siiyey shirkad xabkeysan.
2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag ah
3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 20 million oo dollar lagu cuney oo nin lagu abaal mariyey
4- Qandaraasyada Diiwaan gelinta muwaadiniinta
5- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka
6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
9- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
10-Qandaraaska Gaadiidka Madaxtooyada
11- Qandaraaska baahida Shirkadaha Shidaalka baadha
12- Qandaraaska Gaadiidka shirkadaha Shidaalka
13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
14- Qandaraaska soo iibinta Gaadiidka Hayadaha Dawlada
15- Qandaraaska Komishan qaranka iyo kirada Gaadiidka.

Waxaa arin laga yaq-yaqsiyooda ah in 15-kan qandaraas ee sare lagu naasnuujiyey si isireysan oo duudsi ah oo baalmarsan sharciga qandaraasyada ee wadanka shaqsiyaad beeleysan oo hada ku gaafanoobey libqinta iyo laba liska dha-dhankii iyo dheeftii ilihii dhaqaalaha ee wadanka .Waxaa aqoon yahanka iyo fogaan araga reer Somaliland ay isku raaceen in aan Qandaraasyadan dhinaca ka raran badankooda aan shacabka Somaliland loo soo bandhigin si loogu tar tamo si xalaal ah laakiin lagu bixiyey si beeleysan, gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah oo xaafadeysan. Taas oo shacabka reer Somaliland ucadeysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii dawladnimo, maadaama ay ummadii ucaatey in manfacii, magantii, mooradii iyo muquunadii wadanku uu dhinac uciirey. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa in Qandaraasyada lagu bixiyo sife muraayad ah oo tar tan ah oo xalibnaan iyo Xisaabtan dawladeed ka danbeeyo.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.