Tirsigii Kowaad – Xukuumad uu Musuq maasuq hadheeyey oo doorbida shilimaadka ay qandaraasyada aan bireysneyn ay ku lunsato

Writen by Qaran News | 

maqaal

Shacabka Somaliland waxaa daashadey oo ay khatyaan la taagan yihiin mudadii 4-ta sanadood ahyed ee ay xukuumada Siilaanyo hogaanka u haysey, Dawlad musuq-maasuq hadheeyey, cadaawe siyaasadeed iyo colaado degaan oo degamsan, habacsanaan iyo hogaan xumo saameysey dhamaan habsami usocodka hawlahii dawladnimo. Dawlad aan muujin karin karti iyo yuhuuntii quruxdii iyo karaamadii dawladnimo,dawlad xubnaheeda wasiirada kuwa ugu cad cadi aaney laheyn sogordoh, anshax iyo asluub masuulnimo, dawlad aan wakiiladeeda utirinin xilalkooda oo dhameystiran (job-description) . Hayado dastuur oo ay mawjado khilaaf hadheeyeen oo isdhex-yaac ah oo aan isku kantaroolin hawlihii loo igmadey kuwaas oo xaalkoodii noqdey ku daneyso iyo ka daneyso, baarlamaankii shacbka u wakiilka ahaa oo ku milmay fulintii iyo garsoorkii oo noqdey dha-dhan raac , dhuuni raac iyo hayb-raac danahooda gaar ka ah door bidey oo ka mid noqdey xubno ka tirsan xukuumada oo shidhka ugu jira lagana soo shidaaliyo mar marka qaarkood si ay u-maleegaan dabinada iyo duufaanada iyagii hada harqiyey ee shir weynihii golaha dhexe ee xisbigoodu ka qabsoomi la yahay kuwaas oo baalmarey dhamaan dhaartii ay ummadda uga dhaarteen in ay wakiilo metela oo daacad u-ah unoqdaan.
Bal ufiirso hawl-wadeenadeeda qaar oo iyagu kursiga ku yimi kuraan-boodooyin dhaah-dheer oo salka ku haya iskooxeysi, dhabar-taabasho qof jecleysi ah, taajir wasteysi, xabkeysi, iyo isxulafeysi xaafadeysan oo awr-ku kacsi ah, kuwaas oo badankoodu aaney laheyn aqoon dheer iyo waayo-aragnimo ay ku maareeyaan hawlihii loo igmadey lakiin xariifiin ku ah sidii ay u soo culan lahaayeen dhiilahooda carta leh ee aan cidaadka laheyn ugana dhaansan lahaayeen ee xoolo uga dhaqan lahaayeen hantida yar ee ummadda baahan wax loogu qaban lahaa, Waxaana ay siyaasada iyo xilalka u haystaan in lagu daneysto oo lagu xoogsado. Bal ka warama Agaasimayaal aan garaneyn xayndaabkii awoodeed ee Wasaaradahooda isuna arka in ay dadka ka sareeyaan oo iyaga loo shaqeeyo iyadoo qaar badan farta laga saarey qorshe hawleedkii iyo higsigii Wasaaradeed iyo kii qarankaba laakiin dhaqaajin waayey oo la anbadey kuwaas oo hadana xariifiin ku ah dus-duska, luf-lufka, af-dhuunyaaleysiga iyo difaaca xayndaabka madaxtooyada iyo shaqooyin aan loo igman oo ku saleysan dilaalnimo ,dhul-boob iyo ganacsi daaha dabadiisa uga socda.

Waxaa shacabku daalacdey wasiiro aan aqoon in wasaaradahooda yihiin dar,yeel iyo weel ay ummaddu leedahay iyagana loo igmadey in ay ummadda u shaqeeyaan oo ay dawlada wakiil uga noqdaan. Wasiiro aan laheyn hilaad, higsi, hinjin, biseyl siyaasadeed, odorosyo iyo aragti fog oo himbiriirsi khushi-talaabsanaya mar marka qaarkood. Wasiiro aan laheyn qorshe hawleedyo qaran oo qodobeysan oo qeexan oo ay ku hawlgalaan iyo halbeeg lagu cabiro waxqabadkooda ( quality insurance ), tuseyaal waqtiyeysan oo haga ( indicators ) Xukuumad aan Agaasimayaasheeda iyo xisaabiya-yaasheeda iyo shaqaalaheedaba aan u soo xulan si xalaal ah oo merit ah iyaga oo eegaaya aqoontooda, taariikh nolololeedkooda iyo waayo-aragnimadooda taas oo aan hadana carbin, tababarin, tusaaleyn,dalacsiin, una-xaqsoorin oo aan aqoon u kordhin, hase yeeshee caado ka dhigatey ukala eexasho qaawan iyo qaraabo kiil ku qotoma ku raadgadasho, ku fooldhaqasho, iyo kula dhuuq .Waxaana hada xukuumadii uu maxsuulkeedii ku soo ururey in qarankan yar ee yab-yabka, dhab-dhabka iyo yagleesha ahi uu ku danbeeyo mid wadamadii jaarka ahaa albaabada ka xidheen ka dibna hagaasey, hintaaqmey, doc-faruurmey oo waayey, hilaad, hinjin,higsi iyo hogaan hagaagsan, hor joogayaal iyo kala haga-yaal, halbeeg hawl-qabad iyo agaasin jiheeya oo tubta u saara tobiyihii toosnaa ee ahaa qorshe hawleedkii iyo higsigii qaranka oo ku waqtiyeysan sanado, bilo, maalmo,isbuucyo iyo saacado. Nasiib daro wuxuu maanta habsami u socodkii hawlihii qarankan yar ee ragaadey ee raranka saarani uu ku soo ururey mid aan ku Jihaysneyn tubtii toosneyd kaas oo aan laheyn hadaf cad iyo yoolal uu higsado midna. Waana iyga iyo Allahood !!

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.
inafidhinle@gmail.com