Waa maxay duruufaha siyaasadeed ee hortaagan sadexda musharax ee u taagan doorashada Somaliland ee 2015 ka,

waa maxay duruufaha siyaasadeed ee hortaagan sadexda musharax ee u taagan doorashada Somaliland ee 2015 ka,
 
 MAQAAL
sadexda  musharax ee u taagan doorashada Somaliland ee 2015 ka waa 1- madaxweyne axmed siilaanyo 2- gudoomiye c/raxmaan ciro 3- aqoonyahan Jamaal cali xuseen, hadii ay dhacdo doorasho oo ilaahayna SWT inagu simo  waxa lasugayaa inay kursiga madaxtooyada ku tartamaan sadexdan musharax ee aan kor ku xusay magacyadooda hadaba bal aynu faalayno musharax kasta duruufta siyaasadeed ee uu la nool yahay maanta ee ku xeeran hamigiisa siyaasadeed,
 
1- ka bilow madaxweyne siilaanyo oo aan halkudheg uga dhigo marka hore maah maahdii somaliyeed ee ahayd lahubsay oo gorayo haad bay noqotay! mudane siilaanyo waa nin siyaasadii uu xilka kursiga ku kasbaday ee dadku ku doortay ay ugu weynayd taariikhdii halgankii SNM isaga oo ahaa hogaamiyihii SNM ugu mudada dheeraa wuxuu kursiga ku helay cod aqlibiyad ah oo aad u balaadhan oo aan loo kala hadhin tuhun weyn baa laga qabay waxa layslahaa ciida ayuu balab ka dhigayaa odaygu ama isbedel siyaasadeed oo cad ayuu dalka ka hirgelinayaa waxaa hamigiisii siyaasadeed iyo kii umadu ka qabtayba meesha ka saaray koox mooryaan siyaasadeed ah oo ka weecisay majarihii siyaasadeed ee wacnaa ee taariikhda u gelilahaa labana meesha ma wada galaan oo waa dab iyo batrool laysku shiday qaran baan dhisayaa xor ah oo xalaal ah oo cadaalad ku dhisan hadana danaha qoyskaygaan ilaalinayaa horaa loo yidhi waraabow inaad saamo jiido iyo sanqadh tirasho kala daa, hadii reer Somaliland yihiin umad xisaabtanta waxay uun siilaanyo u baadhayaan buugii maanifeestada ahaa ee uu doorashadii hore ku galay ee aanu waxba ka fulin buugii la odhan jiray buugii cagaaraa ( green book) kaasuun ha kula xisaabtamaan hadalba wuu iska yaraane waa haday umad jirta yihiin nebiguna NNKH wuxuu yidhi muuminka hal god laba jeer laguma wada qaniino waa tusaale fiican oo uu inooga tegay,
 
2- Jamaal cali xuseen (Jamaal daauus) waa nin wax bartay oo aqoonyahanka dalka kamid ah waxase loogu dowgalay nabar aan dawo lahayn daauusku waa kow quruxna loo daa isagana qabaa dilay waxaase loogu dowgaly nabar aan dawo lahayn! dalkan Somaliland ee uu rabo inuu hogaanka u qabto waa dal ay haysato dhibaatooyin balaadhan, kabilow waa dal aan la aqoonsanayn oo u baahan in siyaasad bisil caalamka lagula dhaqmo si looga midha dhaliyo himiladiisa uu higsanaayo ee aqoonsi raadiska ah, waa dal umada ku dhaqan qaranimada ay kala weyn tahay qabyaaladu oo ay fog tahay waqtiguu ka gudbaa mushkiladaas qabaliga ah, waa dal ay ragaadisay shaqo la-aantu oo dayartii ku noolayd badaha ku dhamaadeen oo u baahan in la badbaadiyo inta soo hadhay, Jamaal ma aha nin intaas iyo in kabadan oo aanan sheegin u babac dhigi kara mana laha waayo aragnimadeedii uu waxaas iyo wax lamida uu kaga gudbi karo waxa intaas u raacda oo u dheer xisbigan uu musharaxa ka yahay ee UCID waxa cunaha kaga duuban oo wuxuu isku soo cantatabo ka kala daadiya gudoomiyahiisa faysal cali waraabe oo isna afka hudhe ka galay, faa-idada keliya ee tartankaas kuugu jirtaa waa nay CV gaaga kuu gasho waa jamaalkii martartamay  markaas nin kaas Jamaal waxaan kula talin lahaa waar inta yar ee xalaasha ah ee aad shaqaysatay badh qabo oo hayska khasaarin tan ku soo bixi mayside , 
 
3- gudoomiye ciro waxay dadka qaarkii yidhaahdaan waxa dishay iska daaya anaa jab lamaagane! inta uu soo socdo ayaa xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan! qolyo kale waxay qabaan waar siyaasada waa ladaba socdaa oo waxa layidhi hadii degdgesiimo door dhalo kaasiiyo isna kiish lacag ah buu dhalaa! nin kasta oo ka suga inuu si caadifadi ku jirto u jawaabo ama uu talaabo siyaasadeed u qaado wuu ku kari waayay tiisaana macquul ah, siyaasada somalidu waa mid ku dhisan caadifad iyo degdeg waxaana loo baahan yahay inaad waayo kasta oo jira la jaan qaado ama deg deg u jawaab ama dib u dhigo aday kuu taal waa hawl ku sugaysa,
 
mudadii uu xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka hayay wax badan ayuu ku kasbaday oo sumcad ah waxaanu ku hogaamiyay si degen oo aanay caadifadi ku jirin in kasta oo markii kulmiye mucaaridka ahaa uu wax badan jiidh siiyay hadana wuxuu kaga bad baaday qunyar socodnimadiisa, waxa horyaala hanashada xilka kursiga inuu ku guulaysto komishina 7 xubnood ka kooban oo 5 kamid ahi siilaanyo u shaqaynayso oo ay u daacad tahay halka uu xubin ku leeyahay gudoomiye ciro, kuwaasina waxay rajadoodu ku xidhan tahay dhaameelka oo loo badsho sidii kuwii uu ina xamari horboodayay ee dalka dagaalka gelin gaadhay dalkan dadka kunool waa dad baahan oo inta iimaanqabtaa ku yartay inta siyaasada soo raadsata weli maan arag mujaahid xasan ciise jaamac nin reer Somaliland ah oo siyaasad u ban baxay oo ka xalaal miirsan ilaahay ha xafido Ayaan leeyahay mujaahidkaas hadii laga tegi waayo waxa soo raaca mujaahid maxamed xaashi cilmi,
 
dadka ilaahay SWT uu iimaanka siiyay maba dhex galaan waxan siyaasad ku sheegta ah ee qabyaalada ku dhisan ee aan mabda-a ku dhisnayn , gudoomiye ciro waxa horyaal wax badan oo aanu dhaafi Karin siilaanyo iyo koox diisu way ku shubanaysaa doorashada sir iyo caad cidna taas ka magansan maayaan hadii xitaa dagaal ay la gelayso markaas ciro tartanyaa ama samiryaaba nimankani way caday inay ku shubanayaan meeshana casaabad qabyaalad ku wada socota ayaa haysata oo xaga dabne ka maamusha iyo koox ay isgaashaan buuraysteen oo ay xilka iyo dhaameelka u badsheen dadka inii kale waa daawadayaal waxay eegaan uun sida filinka loo matelaayo waxan doorashada lagu sheegayaa waa ku macaanaysi iyo sharciyada oo ay ku hagaajisanayaan iyo beesha caalamka oo ay idhaheeda iskaga jeedinayaan uun haw fadhiyin in dalkan siilaanyo ka qabto doorasho xor ah oo xalaal ah ninkii taasugaa guna ma jirin,
 
aadan axmed nuur  

 
 
 
 

 

Â