“Waan Ka Xumahay In Maareeyaha Madaarka Cigaal Uu Liiska Madaw Ku Daro Buugga Xaaji Cabdi Xuseen”

gah

“Waan Ka Xumahay In Maareeyaha Madaarka Cigaal Uu Liiska Madaw Ku Daro Buugga Xaaji Cabdi Xuseen” Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Sida aynu wada ognahay waxa sannadkii hore Maareeyaha Madaarka Hargeysa loo magacaabay wiil la yidhaahdo Maxamuud Yuusuf Ismaaciil (Dhidar Mitid), markii u horreysay waxa aan arkay sannadkii 2010ka isaga oo tegaya shir uu Siilaanyo ku lahaa Kaah Hotel ardayda degmada Maxamuud Haybe ee Hargeysa. Waxa uu iga codsaday in aan raaco, waxa aanse ugu jawaabay “Anigu kama tirsani taageerayaasha KULMIYE sidaas awgeed ma aadi karo”. Waxa uu ku xigsiiyay “Rag reerka ah ayaa imanaya oo u baahan in taageero loo muujiyo” waxa aan ugu jawaabay “Nimanka aan ogahay in ay ku fashilmeen xilalkii hore loogu magacaabay, miyaan mar kale ku taageeri karaa in ay hoggaanka ummadda qabtaan?”. Halkaasi ayuu hadalki ku xidhmay.

Sannadkii 2011ka ayuu ka faa’iidaystay bayaan ay soo saareen dhallinyarada Maxamuud Haybe oo sababay in shaqada la qoro isaga, Xuseen Xasan Yuusuf iyo Muuse Ibraahin Selef. Isaga oo ah madaxa ammaanka madaarka ayaan ogaa. Markii uu soo baxay buugga SAMO-TALIS waxa uu yidhi “Anigu lacag ma bixinayo ee midhkayga iiga soo qaad, ama iska hayso dheh”. Sidaas ayaan uga iibiyay qof ka mid ahaa raggii taageerada ka geystay Xog-ururinta buugga, isaga oo aan meelna u soo marin waxa aan u diray koobbi hibayn. Habeenkii daahfurka ayaanu isu raacnay Jaamacadda Hargeysa, aniga, isaga iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen annaga oo saaran gaadhi uu watay.

Bishii Juun ee sannadkan ayaan maalin ku idhi isaga, Muuse Ibraahin Selef iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi “Wasiir, haddii ay madaxda qaranku taleefanka naga qaban waayaan waanu sugnaa, maxay ahaayeen agaasimeyaashan dallacay?”. Waxa is-barraxay Muuse Ibraahin Selef, waxana cadho la madoobaaday Maxamed Yuusuf Ismaaciil. Maalintaasi waxa wasiirka loo raaciyay in aan xagga mucaaridka u soo socdo kkkk. Inta uu Wasiirku qoslay ayuu yidhi “dhib malaha, waynu fahmaynnaa Siciid”. Maadaama oo aannan muddo is-arag, Wasiirku waxa uu moogganaa in aan noqday Xaaji Cabdiga Mucaaridka Somaliland.

Waxa aan ka xumahay in uu Maareeyuhu hadalkaas kaftanka ah kaga jawaabay

1.Xadhig uu amray 21kii Julaay 2014ka iyada oo la igu warejiyay sirdoonka. Malaha waxa uu ka xun yahay in aan ahaa Hoggaamiyihii Ruuxiga ahaa ee Ururka Ilays (2010-2011) waa ardaa uu isagu garanayo iyo in aan qoray taariikhda Odayga Somaliland. Ma garanayo gef kale oo la i saaro!

Eedaha la i raaciyay waxa ka mid ahaa

In aan hawl-gal ka fulinayay diyaaradda Ethopian Airlines, caddaynna looma keenin!

In aan Facebook ka af-legaaddeeyay wasiirro: dalku waa dimuqraaddi

In aan daadiyay waraaqo lagu diiddan yahay banka Qoolcaday: Caddayn looma keenin

2.In uu diido gebi ahaanba in Madaarka Cigaal ee Hargeysa lagu iibiyo Diiwaanka SAMO-TALIS: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), waa arrin la-yaab igu noqotay. Dhawr qof oo arrinkan ergo ka galayna waxa ay la soo noqdeen gacmo madhan iyo meermeerin aan sal iyo raad midna la ahayn.

Waxa aan leeyahay, mar haddii aad diiddeen in buugga Xaajiga la dhigo Madaarka Hargeysa, idinkuna ma sii ahaan doontaan masuuliyiin dawladeed. Ugu dambayntii waxa aan baaq u dirayaa Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo aan leeyahay “Waxa aan ogaa iyada oo uu Xaaji Cabdi yahay ragga aynu isku raacsannahay. Goorma ayuu buuggani noqday mid aan ku darteen liiska madow? Haddii aanad arrintan waxba ka ogeyn waxa aanu kaa sugeynaa jawaab iyo tallaabo aad ka qaaddo wiilka aad madaxda uga dhigtay Madaarka Cigaal oo ka mid ah kuwa ugu maangaabsan dhallinyarada Hargeysa iyo Sallaxley. Waa karaamo-beel waxa uu ka shaqaynayaa. Haddii aan gefay waxa aan diyaar la ahay xaal gole-joog ah, haddii la iga gardaarnayda waxa aan rabaa dawbixin. Labadaasi waxa saddex ku ah in la is-muquuniyo oo ninkii laga awood-roonaadana meel kale loo diro.”

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com