“WAANU CAMBAAREYNEYNAA SIDA UU MADAXWEYNE SIILAANYO USOO CELIYAY MARKII LABAAD XUBINTII KOMISHANKA XISBIGA WADANI” AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI IBRAAHIM MAHDI BUUBAA

Daawo Muuqaal : Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Xukuumadu Ku Eedeeyay In Hantidii Qaranka U Adeegsaneyso Sidii Ay Xildhibaanada Ugu Kala Jabin Lahay Laba Qaybood

Hargeysa(SM)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa siweyn u cambaareeyay,Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku cambaareeyay in uu markii labaad soo celiyay,Xubintii Komishanka uu xulay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,isagoo ku tilmaamay soo celintaasi in ay tahey mid tilmaan gaar ah leh oo Madaxweyne Siilaanyo nidaam curfi ah ugu beegsanayo Aqoonyahanka Mucaaridka ah.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Islamarkaana, ah Gudoomiyaha Gudida joogtda ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay,in uu Madexweyne Siilaanyo ku cambaareynayo xubinta Komishanka uu u xulay Xisbiga Wadani ee uu mar labaad dib usoo celiyay,waxaanu ku sheegay in ay tahey talaabo khaldan, iyo go,aan aanu isagu laheyn Xisbi ahaana ay siweyn u cambaareynayaan.

“Waanu cambaareyneynaa Sida uu Madaxweyne Siilaanyo usoo celiyay markii labaad Xubintii Komishanka Xisbiga Wadani u xulay taasina, waxey na tuseysaa in aanu Siilaanyo daacad ka aheyn in Doorasho xalaal ahi dalka ka qabsoonto waxa aanu kalsooni ku qabin in Xisbiyada Mucaaridka ah dad aqoonyahan ah oo daacad ah u dirsadaan Komishanka isagoo, xubnihii ugu badnaa isagu gacantiisa ku magacaabaya, waxaanu leenahay Doorasho xalaal ah ku kalsoonow oo hasoo celin aqoonyahanka xalaasha ah ee Xisbiyada Mucaaridka ahi usoo xulyaan Komishanka,ma hayno dad la boobo iyo kuwa wax loo qariyo midna”Ayuu yidhi Buubaa.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa markii labaad Aqoonyahan Fadal u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo si uu uga mid noqdo Xubinta Xisbigaasi u xulo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyadoo markii labaad Madaxweyne Siilaanyo dib usoo celiyay.

Salaanmedia/Hargaysa