Waddani Laanta Alberta Canada .Cambareysay Xubintii Madaxtooyadu Xisbiga Kusoo Celisa

Waddani logo

Xisbiga wadani laantisa Aberta Wadanka Canada waxay si mugleh u cambaareenaysaa is hortaaga madaxweynuhu kula kacay xubintii Xusbiga Wadani usoo igmadeen inuu ka mid noqdo Golaha Koomishanka doorashoooyinka ee qaranka, Madaxweynahu waxa uu si badheedh ah u beegsaday Dr Maxamed Cisman Fadal inuu ka hor istaago inuu ka mid noqdo Koshinka Qaranka  taasoo aanu u aragno inay xeelad kale ku jirto iyo inaanu madaxweynahu  rabin inay doorasho xor ah oo xaalal ahi wadanka ka qabsoonto,  Xafiiska Wadani ee laanta Albeta Canada waxuu si way u cambaaraynaa falkaasi caddaalad darada ah ee madaxweynu ku kacay.

waxaanu leenahay madaxweynu ha u hugaansano shuruucda dalka oo ha ka daayo qarqaladaynta in doorasho xaal ahi wadanka ka qabsoonto

 waxaananu leenahay  Madaxweyne xilka ugudo sidii ragii kaa horeeyey, oo wadanka  si sharafleh  uga qabato doorasho, umadii codkooga kugu dooratayna haysku dayin inaad ka hor istaagto waxay xaqa u leeyahiin oo ah inay kolba cida ay u arkaan inay dantooda wado ay aayahooda ku aaminaan.

Waxaynu ognahay xubnaha uu madaxweynahu soo gudbiyey in qaarkood ay ka mid yahiin Golaha Dhexe ee kulmiye qaarna ay shaqaale dowladeed oo agaasimo waaxeedyo madax ka ahi ay ku jiraan, miyeeyna kuwaasi sharcigu qabanayni mise arinku waa la jeefiyaana banaan la joojiyaana banaan. Waxaanu aaminsanay in Dr Fadal aanu cadaalad daro samaynin xilna aanu ka haynin wadani xiligan, xaqna uu u leeyahay inuu koomishanka ka mid noqdo.

Sidaasi darteed waxaanu madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu aqbalo xubinta wadani ay usoo igmatay Golaha Koommishanka Doorashooyinnka ee Dr Fadal.

Wabillaahi tawfiiq

Afhayeenka Wadani ee laanta Aberta Canada