War-bixin: Waa Sidee Xaaladda Nolooleed Ee Wasiirku Xigeenkii Hore Amniga Cabdilahi Abokor Cismaan ?

Wasiirku xigeenkii amniga Somaliland cabdilaahi abokor cismaan.ayaa laga dayrinayaa xaaladdiisa nolooleed.kadib markii ay ciidamada lo yaqaan unnamed (2)RRU-DU goor-saq dhexe ah,u daateen gurigiisa oo ku yaalla xaafad ka mid ah magaalada Hargeisa,isaaggo ay la joogeen guriga caruurta uu dhalay.wasiirku xigeenkii hore amniga Somaliland,waxaana guriga wasiirka ciidamadu u adeeg-sadeen Hubka noocyadiisa kala duwan.waxaana daaqadaha gurigii uu degenna wasiirku looga xareeyey sunta dadka suuxisaa.

Waxaana halkaas wax-yeello kasoo gaadhay mid ka mid ah,ilaaladi hore ee wasiir oo ay eeheello ahaayeen,waxaana lagu dhuftay xabad la sheegay inay soo rideen ciidamadda lo yaqaan RRU-da .habeenkii weerarka lagu qaaday wasiirku xigeenkii hore amniga Somaliland,waxaa suntii ay adeeg-sadeen ciidamaddu waxaa ay xaalad adag-geelisay caruurtii wasiirku dhalay.

Mar ay warbaahinta la hadashay marwada uu qabay wasiir abokor,waxaa ay sheegtay in caruurteeda wiilka u weyn dhabarka wax-lagaga dhuftay iyo suntii oo wax-yeello kasoo gaadhay caruurta uu dhalay wasiirku xigeenku ,waxaana xaalad adag gashay noloosha caruurta.sidaa oo kale waxaa gabi-ahaan-baa burburay gurigiii wasiirku xigeenka deegeena .
Wasiirku xigeen abokor ayaa xabsiga lo taxaabay,iyaaddo la sheegay inuu qabay dhawaac aad uu weyn balse,aan la xaqiijin kareyn intaa uu leegga dhawacaasi.

Waxaa la xabuusay wasiirku xigeenkii hore iyaddo la waayey meel allaale iyo meel la geeyey,waxaana jaho-wareer aad u qalaf-san qaaday, eheella wasiirku xigeenka oo aad iga wer-sanna noloosha wasiirka oo aanay fileyn inuu saalloon yahay. Waxaa wakhti danbe la xaqiijiyeey,in u wasiirku xigeenku ku jiro xabsi weyn ee magaalladda Hargeisa,waxana la sheegay in loo diiday inay booqdaan eheella wasiirka oo laga hor-istaagay.

Wasiirku xigeenkii hore amniga Somaliland cabdilaahi abokor ayaa xadhigiisa lagu xidhiidhiyaa,laba sabaabood-baa kuwaaso kala ah.in wasiirku si badheedh ah u taageeray gudoomiyaha xisbiga Kulmiye,oo wakhtigaas sheegay,inuu yahay musharax.oo isaaggo wasiirku wakhtigaas si buuxda u garab istaagay muuse bixii oo ahaa musharax wakhtigaas.
Halka qodobka labaadna lagu xidhiidhiyo hadalkuu wasiirku siiyey,warbaahinta.kaaso nuxurkiisu ahaa inay wadanka ka jiraan,oo xilalka hayaan,wasiirro uu ku xidhiidhiyeey inay gacan saar la lahaayeen, kooxda xag-jirka ah ee al-shabaab oo ah mid intaa badan saas laga qabbo,iyaaggo qarax-yo ar-xan darro ka fuliyaan meello badan oo ku yaalla geeska Africa.
Xoggaha kasoo baxayaa xaaladda wasiirku xigeenkii hore amniga Somaliland,ayaa muddo sadeex maalmood la hor-keeanay maxkamadda,iyaaddo aanay jirin maxkamad madax-banaan,taso aan fadhigga dacwadda loo dhegeysan si madax-banaan, ilo wareedyo u helaayo shabakadda warar xogreebnews.com,waxaa la sheegay inuu madasha dacwada ka dhiibtay inuu wasiirku ku jiro,xaalad adag,waxaana uu ku tiraabay inuu xanuun-sanaayo oo wax-yeello kasoo gaadhay suntii ciidamada u adeeg-sadeen qabaashaddisii al-baabka iyo daaqaadaha looga soo geliyeey sunta loogu tallo galay inay dadka suuxiso. Qaarka mid ah ehellada ayaa ku waramaaya in aanu helin wasiirka iyo xubnaha la xidhani wax daawo ah iyo dhakhtar midnaa.

Inkastaa oo wasiirku xigeenkii hore amniga ay hadda ku socoto,maxkamada ayaan hadana laga fileyn sii cadaaladda u qaaddo kiiska wasiirku xigeenka oo u xidhan dhinaca qasriga looga arrimayo dalka.
Madaxweyne siilaanyo iyo cabdilaahi abokor cismaan ayaa ahaa saaxiibo isku siyaasad ah,soona wadaa shaqeeyey wakhti aad u badan.waxaan mudane abokor, ayaa naf iyo maal-baa u hurray xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo.waxaana suuro gal ah inuu madaxweyne siilaanyo u fidiyo wasiirku xigeenkii hore amniga Somaliland cafiis.
Cabdi casiis Bashiir Nuur.
info@xogreebbnews.com
Tel:4144434
Hargeisa/Somaliland