War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo isaga baxday Magaalada Baraawe iyo Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya Magaaladaasi

NEWS

 

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ay isaga baxeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo sanado badan ah gacata ku hayay Magaaladaasi.

Goob joogayaal ku sugan Magaaada Baraawe ayaa soo sheegaya in Al-Shabaab ciidankooda iyo saraakiishooda ay galabta isaga baxeen Magaaladaasi ayna afka aadeen Deegaanp kale oo ka baxsan Magaaladaasi.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa kusii siqaya magaaladaasi , waxaana wararka aan aan helnay sheegayaan in Ciidamada Huwanta ah ay magaaladaasi u jiraan wax ka yara 20-KM.

Xaalada Magaalada Barawae ayaa galabta ka badalan sidii ay ahaan jirtay , waxaana jira cabsiyo dadka ay ka qabaan in magaaladaasi ay ka dhacaan dagaalo iyo qaraxyo marka ay si buuxda ula wareegaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMIOM.

Salaanmedia/Moqdisho