War Deg Deg ah Degmada Baraawe oo uu ka socdo Barakac baahsan iyo Taliska AMISOM oo goodiyay!!

 

Wararka naga soo gaarayo Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegaya in dadyowga Deegaankaasi degan ay bilaabeen inay Barakacaan.

Wararku waxa ay sheegayaan in ilaa iyo Saakay ay degmadaasi ka barakaceen inkabadan 400 oo qeys kuwaasi oo ay soo foodsaartay cabsi ku aadan dhanka baacsiga Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku hayaan Xoogaga Alshabaab.

Sidoo kale, waxaa la Tilmaamayaa in inta badan albaabada loo xiray goobaha ganacsi oo ay dadku ku noolayeen, iyadoona ay halkaasi ka taagan tahay dhibaatooyin ka dhashay baacsiga labada dhinac u dhexeeya.

Dhanka kale, Degmada Baraawe oo ugu yaraan Laba boqol oo KM Muqdisho kaga beegan dhinaca Koonfureed ayay muddo ahayd meel ay Al-shabaab ku xooggan tahay, iyadoo mas’uul ka tirsan uu ka dhawaajiyay in degmada ay ka baraimagekaceen shacabka,

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo Taliska AMISOM ay ka shanqariyeen in Ciidamada isgarabsanaayo ay kaabiga ku hayaan Degmada Baraawe, waana tan keentay in halkaasi ay kabaxaan Alshabaab, islamarkaana ay barakacaan shacabkii halkaasi ku noolaa.

Salaanmedia/Mogdisho