War Deg Deg ah Qarax aad u balaadhan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho khasaare badan oo jira…

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax goor dhow ka dhacay Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qarax gal

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Gaadhi nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa waxaana la sheegayaa in gaadhigaasi la dhigay Iridka hore ee Baar Oromo Kafe oo ku yaalla kasoo horjeedka Hotel Dayax oo ku yaalla agagaarka Xarunta Baarlamaanka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen inkabadan 9-Ruux, iyadoona uu dhaawaca kor u dhaafayo 14.

Waxaa iminka Holceysa Xarunta Baarka, waxaana la soo sheegayaa in inta badan dadkii halkaasi ku shaahayay ay badi ku gubteen Qaraxa, waxa ayna ishu qabaneysay dad Holcaayo oo ku sugnaa Irida hore oo uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa hadda goobta Qaraxa ku sugan Gaadiidka gurmadka iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana xidhan wadada.Lasoco warar dheeraada dhawaan Insha Allah..

Salaanmedia/Mogdisho