War Deg Deg ah: Qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaare ka dhashay..

NEWS

War goor dhow na soo gaadhay ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay gaadhi lagu xidhay walxaha Qarxa oo uu lahaa Sargaal ka tirsan Nabadsugida Qaranka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay Isgooyska Afarta Darjiin ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in Qaraxaasi ay ku geeriyooden Laba ruux oo uu ku jiro Sargaalka gaadhiga Qaraxa loogu soo xidhay.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Lix ruux oo la sheegay inay u badnaayeen dad Qaad ka iibsanaayay Isgooyska iyo dad wadada maraayay.

Sargaalka gaadhiga loogu xidhay Qaraxa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Axmed Jamaame oo xilligaas qaad ka iibsanayay haweenay qaad Isgooyska ku iibineysay.

Dhanka kale, Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si loogu dabiibo.

Salaanmedia/Mogdisho