War Deg Deg… Wariye Cabdi Risaaq Jaamac Cilmi(Black) Mid kamid ah Wariyaasha ugu Caansan Muqdisho oo Goordhaweyd la dhaawacay iyo xaaladiisa oo aan kala cadeyn….

NEWS

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in Kooxo Hubeesan oon wali heebtooda la garan ay Rasaas ku fureen gaadhi uu watay Mid kamid ah Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana howlgalayay Telefishinka Somali Chanell.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in Kooxo hubeysan ay Rasaas huwiyeen gaadhi uu Watay Wariye Cabdi Risaaq Jaamac Cilmi(Black) oo katirsan Tv-ga Somali Chanell, Rasaasta gaadhiga lagu furay waxaa ku dhaawacmay Wraiye Black iyo nin kale oo gaadhiga la saarnaa.


Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu daweenayaa Wariye Black , waxaana dad aan la hadalnay ay noo xaqiijiyeen in dhoor xabadood ay ku dhacday xaaladiisana ay tahay mid aan halis aheyn waxaana la filayaa in qaliin lagu sameeyo. 


Mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku yaraa Dilalka iyo dhibaatooyinka loo gaysto Wariyaasha Caasimada ka howlgala , lamana oga ujeedka ka dambeeya Weerarka goordhaw lagu qaaday Wariye Black oo kamid ah Wariyaasha ugu caansan ee ka howlga Caasimada Muqdisho.

Salaanmedia/Moqdisho