WAR WEYN: Muwaadin Iid Muuse Muxumed Oo Beeniyay War Been Abuur Ah Oo Warbaahinta Qaarkeed Lagu Baahiyay

maqaal
Hargeysa-(SM):-Madaxii Hore ee Suuq Geynta Shirka Telefoonada ee Somtel Mudane Iid Muuse Muxumed ayaa Beeniyay War maanta Warbaahinta Qaarkood lagu baahiyay, Warkaas oo lagu sheegey in uu Iid Muuse ku biiray kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dagaalanta dalalka Bariga Dhexe ee DAACISH.
Iid Muuse  oo isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska  oo Khadka Telefoonka noogu Waramay  ayaa Gabi ahaanba beeniyay Warkaasi Been Abuurka ah, wuxuu tilmaamay inuu aad ula yaabay, islamarkaana uu aad iyo aad uga Xumaaday, in Warar aan jirin laga Faafiyo isagoo arinkaasi ka hadlayana wuxuu yidhi sidan “Runtii aad baan ugu Xumahay in War aan Sal iyo Raad toona lahayn laga igaga been abuurto, runtiina aad iyo aad baan uga Xumahay, in sharaftayda meel lagaga dhaco, islamarkaana waxaan Cadaynayaa in aanay Waxba ka Jirin Warkaasi, mana jirto Koox Islaamiya iyo Koox kale oo aan ku biiray, waxaan joogaa Dalka England oo aan Qoyskayga la joogaa, waxaanan leeyahay Warkaasi waxba kama jiraan waa been Cad oo la iga Been Abuurtay, Waxaanan Warbaahinta u soo jeedin lahaa in ay iska Hubsado Wararka Been Abuurka Ah ee noocan oo kale ah”.
Salaanmedia/Hargaysa