War-Weyn. Sir Kafakatay Siilaanyo !! Kulamo Gaara oo uu Madaxwayne Siilaayno Laqaatay Qaybo Kamida Qurbo jooga Beelaha Habar Jeclo iyo Habar Awal ee Magaalada London oo Fashiliyay Arimo Sir! Maxaase Mid ah?

maqaal

Madaxwayne Siilaanyo ayaa    laba Wiig Kahor Waxa uu Waddanka  Ingiriiska Kaga Qayb Galay Shir Macmal ahaa oo ay Ujeedadiisu Ahayd Maalgashiga Somaliland Balse aan  Ahayn Mid Looga Baahnaa Imaantiga Madaxwayne Siilaayno.

Balse Madaxtooyada ayaa Qorshaal Ka Gundheer Shirkaas   Kudhexqarinaysay  Iyada oo Siilaanyo aanay  ujeedada Safarkii uu Kuyimi London in uu Kaqay Galo Shirka Maalgashiga Somaliland balse ay  Jirtay Arimo Siyaasadeed oo Si aad  ay Xukuumadu Udhibsanaysay kuwaas oo uu Madaxwayne Siilaanyo  Isku Dayay in uu  Qarsoodiya Kusoodamiyo.

Laba  kulan oo  Sikala Gadisan uu Madaxwayne  Ula Qaatay Jaaliyada Beelaha Habrjeco ee uu Kasoojeedo  iyo Jaaliyada Beelaha Habar  Awal oo ay Afadiisu Kasoojeedo

 Waxa uu kulanka Hore Laqaatay Beeshiisa Madaxwayne Siilaanyo  Sida  Goobjoogalaay  ay Uxaqiijiyeen Warqabadka Somalilandlive.com.


 Muuxuuse  Kala Hadlay?

  Kulanka ayaa  ahaa Mid Socday  kudhawaad  3 Saacadood waxana Si Qarsoodiya Loogu Qabtay Hotel uu Nin Hindiye Leeyay Waxana Xantiisa Laga Qariyay Dhamaan Warbaahinta  iyo Bulshada  Kale  ee Kabaxsan Beesha Madaxwayne Siilaanyo, Waxa uu Siilaanyo  Si Culus  uga Codsaday  Hormuudak iyo Dadkii uu Goobta  kula Kulmay oo Tiradooda Lagu Qiyaasay  150-200 in  ay Kadaaayaan Hagardaamada  S Sida uu Sheegay in ay Xukuumadiisa Kufuranyiin Duufaano Siyaasadeed oo Culus Waxana uu Kubeer Laxawsaday in ay Iyagu Yihiin Kuwii ugu Dhawaa ee Maanta Sax  iyo Khaladba Ku Taageeri  lahaa.
Waxa uu aad uga Cawday Dhaliilaha iyo Diidmada  Murguxan ee ay Beelaha Gaashaan Buurta-Reer Biniin   kala Soo Horjeesteen Go,aamadii laga Soosaaray Shaqaadadii Kadhacay Bariga Burco, Waxa uu  Wax Badan Kutawaawucay in  uu  Maanta uga Baahanyay Taageero -Cod oo Kaliya Halka uu Shalay uga Baahaan Maageero Cod iyo Mid Maalba,  Waxa uu Yidhi Shalay Waadtaad Itaageerteen Taageero Cod  iyo Mid Maalba Maantase Waxa aan Idiinka Baahnay Taageero Cod  oo kaleya..
Waad ogatihiin Mansabka aad Maanta Dalka Kajootaan hore  umaysoo Marin Beesha ,   Midsiyaasi  iyo Mid  Dhaaaleba  Inaga ayaa Maanta Hogaanka Uhayna Umadaha  Somaliland kuwada Nool Hadii aad IskuDuubnaantaana Sidaa ayay Kusii Socon  Doontaa Hadiise Kale Waa Laydin Kakala Jajabin ayaa  Kamid  ahayd  hadal Dheer oo uu Madaxwayne Siilaanyo Halkaas Kajeediyay

Intaas Kadib Waxa uu Madaxwayne Siilaanyo Kulan ay Xaaskiisa  iyo Dhawr  Wasiir Kuwehelinayeen Laqaatay Wax Garadka Beelaha  Habar Awal ee Wadanka Uk.

 Waxa  uu Madaxwayne Taageero  iyo Garab istaag uu Kacodsaday  Qurbajooga Beesha Habar  Awal, uu Sitoosa ugu Sheegay in Damaciisa Siyaasi oo ay Hore uga  Biyo Diiday  Beesha  Habar Awal Kadib Markii uu Kursiga Kusoolaba Kacleeyay Wuxuse  Sheegay in ay Jirto Khidad kale oo Iyaga Kaqorsoon Balse ay Muuse Kuwada Socdaan
 
Waxa uu Yidhi Isaga oo Isku Dayay in uu Qulubta Qurbajooga  Hantiyo  Waaa  Runt oo Xisbiga Kulmiye Waxa uu Kufadhiyay Saamiqaybsi  Laba Beelood oo Ah Awooda ugu Weyn ee Xisbiga, .  Arintaasi Wali  Waa Mid Halkeediya  Xisbigana Sidii ayaynu Uwada Leenay, 

Wax Yar Kadib Waxa Su,aalo kuboobay  Qaar Kamida Dadkii  Goobta Fadhiyay Waxana ay Weydiiyeen  Waxa kukalifay in uu Kabaxo Balintii Hore Lawada Galay  iyo Sida ay Ku aamin Karaan Marlabaad …

 Buuq  iyo Kolba Gacantaa  Dheer Kadib Waxa  Si Kadis ah Afka Madaxweyne Siilaayno uga Soobaxday Arin Layaab Kunoqotay Dadkii uu Lakumay, Waxa uu Yidhi Waxa aan Halka Dinku SHeegayaa Anigu Horta Isma Horgaagin Hamiga Muuse Biixi Waana Nin Saaxiibkaya Waxana jira Arimo aanu Hada Kumidaysanay, Anigu Waxa aanu Hada Kuhawlanay Sidii aan Mudo Kordhin  ah 2 Sanno  Usayn Lahayn  Kadibna   Waxa Hogaanka  Musharaxa Xisbiga Lawareegaya Idinka- Habar Awla ahaan, Hadaad Muuse  Sharaxaysaan iyo hadaad Cidkale Doonaysaanba  Waxa aan Aniga  iyo Beeshayduba    Waxanago,an in aan Idin Taageerno 10 Sanno ee Soosocda

Hadalkan ayaa Markaliya  Fajac  iyo Aamusnaan Kuriday Dadkii  Shirka Kasoo Qayb Galay Waxana ay  ukala Qayb Sameen Kooxo Taageeray  Dhawaqa  Madaxwayne Siilaayno   iyo Kuwo Kugacan Saydhay Balse Waxa Hoolkii  Shirku Kasocday Qabsaday Mushxarada  iyo Guux  uu Dhaliyay  Hadalka Madaxwayne Siilaanyo kasoo Yeedhay..
Dhanka  kalana Qorsha Noocaas  ah  oo Kamarg Kacaya   Hadalkaas  Siilaayno Qarsoodiga Looga Qabtay ayaa Durba Kamuuqda  Somaliland waxana   ay Xukuumadu Is Hortaagay Ansixinta Golaha Komishanka  Doorashooyinka Somaliland Si,aanay Waddanka uga Dhicin Doorasho
 Hadaba Dhawaan Waxa ay Warbaahinta Somalilandlive.com Idiin Soo Gudbinaysaa  Codkaas oo  lagaga Qabtay Madxwayne Siilaayno Mobile, Kadib Marka aanu Si,aamaan ah u hubino in aanay Wax DHibi Kasoo Gaadhaynin    Muwaadiniinta  Nala Wadaagay  Arinta Sirta  Ah.



 Xigasho Somalilandlive.com