WARAR GAA GAABAN: · Kalluumeysato agab loogu qeybiyay Somaliland

maqaal

WARAR GAA GAABAN:

  • Kalluumeysato agab loogu qeybiyay Somaliland

 

Qaar ka mid ah kalluumaysatada Somaliland ayaa mararka qaar isaga baxa ganacsiga kalluumaysiga sababo la xiriira matoorada doonyaha ay kalluunka ku jilaabtaan oo ciladooba iyo shabakadaha oo ka dhamaada.Haddaba wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay waxa ay dhawaan u qaybisay kalluumaysatadaasi qaarkood matoorro iyo shabaakado.Waxaa tirada matoorada iyo deeganada xeebaha ee ay u qaybiyeen BBC-da uga warramay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax.Weriyaha BBCda ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay wasiirka ayaa ugu horreyn weydiiyay matooradaasi meelaha ay geeyeen.

·       Dood ku saabsan doorashada Somaliland

 

Gudoomiyayaasha axsaabta Somaliland oo booqasho ku yimid Nairobi ayaa BBC-da uga warramay qabsoomida doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Somaliland sanadka 2015-ka. Gudoomiyayaasha oo kala ah Faysal Cali Warabe, Cabdiraxman Ciro iyo Muse Biixi ayaa u warramay weriyaha BBC Cabdirisaq Xaaji Catoosh. Waxaa doodda ku hormaraya Cabdiraxman Ciro.

·        Wacyigalin ku saabsan xanuunka Tiifowga

 

Xilliyada roobabka waxaa dhasho cudurro kala duwan oo uu ka mid yahay xanuunka Tiifowga.Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah meelaha xanuunkaasi lagu arko. Waxaana la sheegayaa inuu ka dhasho nadaafad xumida, waxaana Hargeysa ka socda wacyigalin arrintaasi ku saabsan Dr, Cabdirashiid Xaashi Cabdi, oo ah gudoomiyaha guddiga dhakhaatiirta Somaliland, ayaa wacyi gelintaasi uga warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.

·        UCID: Doorashada Somaliland waqtigeeda waa ay dhaafi doontaa

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa welwel ka muujiyay in doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland ay ku qabsoomi karto xilligii dastooriga ahaa ee dhamaadka bisha june sanadka 2015-ka.Wuxuu kaloo ka hadlay diiwaangelinta madaniga ah iyo ciidamo dhowaan xukuumadu ku dhawaaqday inay gaar u noqonayaan ilaalinta shirkadaha baarista shidaalka Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay mawqifkooda qabanqaabada hawlaha doorashada.

 

 

·        Guddiga doorashada Somaliland oo la magacaabay

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa saraakiil iyo dibloomasiyiin ka tirsan dalka Britain kula kulmay dusha Markabka dagaalka ee CARDIGAN BAY, sida uu BBC-da u xaqiijiyay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha somaliland Admiral guuto / Axmed Aw-Cismaan.Markabka Cardigan Bay, ayaa howlwadeenadiisa tababar muddo laba todobaad ah u fidiyeen ciidanka Badda Somaliland, oo ku saabsanaa fanka badda iyo naakhuudanimada doonyaha dagaalka, waxaana uu ka dhacayay xeebaha Berbera.

Waa markii saddexaad ee markab dagaal oo Britain leedahay uu yimaado Berbera afartii sano ee ugu dambeeyay.Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku dhawaaqay liiska guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland iyadoo gudigii hore xilkoodii shanta sano uu dhammaaday.Lixda xubnood ee guddiga doorashada, ayaa loo gudbiyay shir guddoonka golaha wakiilada si ay u ansixiyeen. Waxayna kala yihiin:

1) Saciid Cali Muuse, 2) Cabdilqaadir Iimaan Warsame, 3) Maxamed Jaamac Maxamed, 4) Maxamuud Jaamac wacays, 5) Kaltuum Sh. Xasan Cabdi, 6) Cabdifitaax Ibraahim Xassan.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xubintii ay soo xuleen Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa dib loo celiyay, iyadoo la sheegay inaanu soo buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Guddiga doorashooyinka, oo sida sharcigu dhigayo ka kooban 7 xubnood waxaa 3 ka mid ah soo xula madaxweynaha, laba xubnoodna guurtida, halka labada xisbi ee mucaaridka ahina ,Waddani

·        Siilaanyo oo la kulmay saraakiil British ah

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa saraakiil iyo dibloomasiyiin ka tirsan dalka Britain kula kulmay dusha Markabka dagaalka ee CARDIGAN BAY, sida uu BBC-da u xaqiijiyay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha somaliland Admiral guuto / Axmed Aw-Cismaan.

Markabka Cardigan Bay, ayaa howlwadeenadiisa tababar muddo laba todobaad ah u fidiyeen ciidanka Badda Somaliland, oo ku saabsanaa fanka badda iyo naakhuudanimada doonyaha dagaalka, waxaana uu ka dhacayay xeebaha Berbera.

Waa markii saddexaad ee markab dagaal oo Britain leedahay uu yimaado Berbera afartii sano ee ugu dambeeyay.

 

 

By: Abdirahman Ismail ( Buuni )