Wararkii ugu dambeeyay iska horimaadka ka dhacay afaafka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay Salaaddii Cishaha ka dib ee caawa, ay u kala dab qaadeen Ciidamadii Dowladda, ee abaarihii Salaadda Maqrib ku wada dagaalamay banaanka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho.

Weerarkaan, ayaa waxa uu ka dambeeyay markii Xoogaga Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir ay weerareen Bar Kontorool (Check Point), ay Ciidamada Boolisku ku lee yihiin ilinka hore ee Dekeda weyn, isla-markaana ay isku qabteen arrimo la xiriira dhaqaalo uun.

imageGudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore, ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Somaliya, balse wuxuu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo waxa sababay iyo khasaarihii ka dhashayba.

Shacabka ku dhaqan Degmada Xamar Jajab oo rasaasta si weyn u maqlaayay, ayaa baqdin ka muujiyay waxyeelo ka soo gaarta rasaastii labada dhinac ka dhaceysay, ee u dhaxeysay Nabad Suggida iyo Booliska.

Mustaf Mahad Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu arkaayay dadka deegaanka oo rasaasta ka cararaaya, xilli uu sheegay in uu arkay meydadka laba ruux oo shacab ah.

Mustaf wuxuu kaloo sheegay in uu arkaayay tiro meydad ah oo ka kala tirsan Nabad Suggida iyo Booliska, sidoo kalana ay jiraan dhaawacyo shan ka badan oo askarta gaaraaya, in uu indhaha ka qaaday.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ilaalada ka haaya Dekeda, ayaan soo kala dhex gelin iska horimaadkii kululaa ee Booliska iyo Nabad Suggida u dhaxeeyay, iyadoo Dekedu ay ka mid tahay goobaha sida weyn loo ilaaliyo.

Saraakiisha Dowladda, ayaa waxay ku cel celiyaan inay soo hagaageyso anshaxa Ciidamada Dowladda, laakiin iska horimaadkii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu muujinayaa sida aan loogu kalsoonaan karin anshaxa Ciidamada Dowladda.

Iskusoo wada-duuboo Saraakiisha Dowladda Somaliya ee ammaanka qaabilsan, ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadka uu dhiiggu ku daatay.

Salaanmedia/Mogdisho