Wararkii Ugu Danbeeyay Ujeedka Wufuud Culus Oo Xisbiga WADDANI Oo Ka Kala Yimid Dalalka Australia Iyo Filland Oo Ku Sugnaa Mudooyinkii U Danbeeyay Magaalada Boorama.

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay xarunta gobolka Awdal ee Boorama ku sugnaa waftiyo culus Oo Xisbiga WADDANIYA kana Kala yimid dalalka AUSTRALIA Iyo Filland.

SONY DSC

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waftiyadan ayaa waxaa kala hogaaminayay Gudoomiyaha Laanta Australia Eng Xuseen Xasan Caafi Iyo Gudoomiyaha Laanta Xisbiga Dalka Filland Cabdirahman ibrahim Arte waxa ayna ka koobnaayeen Gudoomiye kuxigeen kaxisbiga Waddani ee Finland, ahna musharax u taagan doorashada soo socota ee Golaha Baarlamaanka Somaliland mudane Axmed C/laahi Khaliif, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani laanta Turku ee Finland Eng Jamal Cabdillahi Xassan iyo Xogahaya guud ee Laanta Finland eeXisbiga Waddani mudane Maxamud Hussein Jaamac.

Waftigan heerka sare ah ayaa waxaa magaalada Boorama si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mudane Axmed Mu’min Seed iyo taageerayaasha Xisbiga Ee Gobolka Awdal.

Ka dib markii ay yimaadeen waxa ay kullamo gooni gooni ah la qaateen mas’uuliyiinta xisbiga ee heer gobol,heer degmo,xildhibaanada xisbiga uga soo baxay degmada Boorama,taageerayaal iyo bulshada rayidka ah.

Hadaba intii ay kullanadaasi socdeen oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa markii ay kullanadaasi dhamaadeen waxaa saxaafada uga warbixiyay gudoomiye ku xigeenka WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed.

waxa uuna noo sheegay in kullanadani ahaayeen kuwo lagu dardargalinayay hawlaha xisbiga ee gobolada dalka oo dhan taas oo uu sheegay in ay gobolkanina ahaa kii ugu horeeyay ee hawlahaas laga bilaabo taas oo ay waftigani u socdeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in intii ay joogeen waftigani kullamo gooni gooni ah la qaateen taageerayaasha iyo bulshada rayidka ah taas oo uu sheegay in ay kala hadleen sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha xisbiga.

unnamed (1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale waxaa habeenimadii xalay kullan ay iskugu yimaadeen garabka haweenka xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal ay gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga WADDANI Gobolka Awdal u doorteen Marwo Malyuun Cali Libaax oo ka mid ahayd ruug cadaayadii xisbigii UDUB,Waxaan xilkaas horey u haysay Marwo Haboon Diiriye daahir.

Si kasataba ha ahaatee arintan ayaa ku soo beegmaysa xili taageerada looga hayo gobolka Awdal Xisbiga WADDANI ay halkii u saraysay marayso lana filayo in waqtiyada soo socda ay dadwayne badan oo xisbiga talada haya ay ku soo biiri doonaan sida ilo xogogaal ah aan ka helnay oo xisbiga ka tirsan.



C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Office-Somaliland