Warbixin….Joojinta Qaadka ee Dalalka Yurub oo Saameyn weyn ku yeeshay dadkii Qaadka cuni jiray oo dalbanaaya mucaawimo…

khat3939339

Sida caadiga ah marka qofka laga goynayo sheey maandooriye ah( waxa uu doonaba ha ahaadee ), dowladaha waxa ay leeyihiin barnaamijyo dhaqancelin ah oo qofka looga sabarsiinayo balwadaasi, islamarkaasina lagu daweynayo, balse dowladda UK wax qorshe ah uma heyso dadkii qaadka laga mamnuucey.

Xiligan dadkii qaadka waayay waxa ay ka cabanayaan in aysan jirin wax caawimaad ah oo ay ka heleen dowladda Ingiriiska, taasina ay horseedey in wali dadka intooda badan ay dawaqsanyihiin, lana qabsan la’yihiin nolosha cusub ee qaad cunis la’aanta.

Siyaabaha dadka noocaan ah loo daweeyo waxaa ka mid ah in la siiyo dawooyin nadiifiya dhiiga, fura xididii dhacaan la’aanta la xirmey, dawooyin cuntada fura, dawooyin baabi’iya walwalka, iyo sidoo kale caloosha nafiifiya maadaamaa muddo dheer qashin lagu gurayay, dheefshiidkuna uu ahaa mid shaqadiisu yarayd.

Saraakiil u hadashay wakaaladda caafimaadka magaalada Cardif oo Soomaalida ugu badan ee qaadka cunta ay joogaan ayaa sheegey in uu jiro qorshe wax loogu qabanayo dadka qaadka cuna, balse uu jiro dib u dhac hirgalintiisa.

Dowladda UK ayaa qaadka mamnuucdey, kuna dartay waxyaabaha maandooriyaha ah ama daroogada ah, talaabadaasi oo Soomaali badan aad usoo dhaweysey.

Salaanmedia/Moqdisho