Warsaxafadeed Ka Soo Baxay Madaxtooyada Somaliland Waxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Digreeto Madaxweyne Dib ugu Soo Celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

image

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XMW/0092814/102014 WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka. Ujeeddo Madaxweye:Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahayXIS/WAD/XDH/165-2014,kuna taariikhaysan02/10/2014,ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxdayDr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada XeerLr.20/2001,qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha XeerLr.20/2001uu tilmaamay.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.