Wax ka baro siyaasiyiinta xukuumada siilaanyo ee isugu jira xidid ku xooloow, xigto ku xooloow, iyo hadal ku xooloow!,

wax ka baro siyaasiyiinta xukuumada siilaanyo ee isugu jira xidid ku xooloow, xigto ku xooloow, iyo hadal ku xooloow!,
 MAQAAL

kooxdani waa kuwa qurbaha kasoo shaqo tagey,
1-kase guray,
2-cabdi mingiste,
3-talaabo,
4-c/fataax,
5-qabo,
6-bashe cawil,
7-khadar cali gaas,
8-xuseen cali ducaale,
9-bukhaari,
 
kooxdan kale waxay ka dilaaceen gudaha dalka,
 
1-xirsi cali xaaji xasan
2-cukuse,
3-dhuxul,
4-cali mareexaan,
5-maxamud xaashi,
 
intaniba waa ugxantii ka dilaacday xisbiga kulmiye markuu xilka qabtay!, waxa layidhi ayax teg laakiinse eel reeb, hadaad aragto deegaan uu mudo ayax fadhiyay oo uu ku dagey marka uu ka guuro meeshaas uu fadhiyay ama laga buufiyo waxa uu kaga tagaa wax layidhaah koronkoro  meeshaasi abaardhow bay noqotaa oo mudo ayaan dad iyo duunyo loo aayin!
 
waxaa taas ka dhigan xukuumada musuqmaasuqa ku dhisan ee cadaalada ka fog, tan iyo markii ay xukunka dalka la wareegtay xukuumada kulmiye ee siilaanyo gadhwadeenka ka yahay waxay meesha ka saartay ragii xisbiga soo dhisay ee shuruucdiisa iyo mabaadiidiisa hagaayay ee salka u dhigay waxay ku bedeshay kooxo aan xilalka ay hayaan u qalmin oo aan aqoon xileed lahayn (qualified) waxa lagu soo xushay waa dano shaqsiya oo aan meela kasoo gelin danta qaranka qolo waxay xilalka ku heleen qaraabo iyo ehel ama xidid ay la yihiin madaxweyne siilaanyo, qolo kale waxay xilka hu heleen afmiishaarayn iyo guulwadayn ay kasoo bilaabeen TV yada iyo baraha warbaahinta ee umadu ku kulanto ee lagu kala warqaato qolo kale waxay xilalka ku heleen ehel iyo qaraabo ay la yihiin madaxweyne siilaanyo! xukuumada siilaanyo waxay nabaday waxay nabartay baa nagaga daran!,

bal aynu kala saaro sadexda qolo oo qolowalba gaarkeeda u qiimayno,
 
xidid ku xooloow!, 
 
1- baashe cawil, waa xidid ku xoolow oo isagu laynkiisu waa qabow yahay waana qolyaha daaha dabadiisa wax ka maamula mashaariic badan iyo qandaraasyo ayuu gacanta ku hayaa waxaanay somalidu ku maah maahdaa xidid waa suun oo kama maarmo dufan lagu duugo si aanu u jajabin xigaalna waa silsilad oo isagu ma go-o wax kasta oo yimaad oo dhaca waana la xaliyaa!,
 
xigto ku xooloow!,
 
1-xirsi cali xaaji xasan
2-maxamud xaashi 
3-cali mareexaan 
4-xuseen cali ducaale
 
kooxdani waxay soo baxaan maray taladu ciin daaqdo ee dheriga dabka u saaran ku sigto inuu afka dhulka daro ayay dood iyo dagaalba qaadaan oo ay xukuumada ay ku xooloobeen difaacaan gar iyo gardaroba oo cidiyaha ku dagaalamaan! nolol xukuumada siilaanyo uga horaysayna ma jirto waxaanay intaas ku ducustaan in siilaanyo kursiga kadegin sabab kasta oo timaad,
 
hadal ku xooloow!,
 
1-cukuse,
2-dhuxul,
3-khadar cali gaas,
4-kayse guray,
5-talaabo,
6-c/fataax,
7-bukhaari,
8-cabdi mingiste,
 
kooxdan waa kuwa uu liita sadexda guruub (group) laynkay wax ku helaana waa mid qodxo badani ku dhex jiraan waa inay marwalba ka qosliyaan madaxda xukuumada siilaanyo ee hogaanka u haysa ilaa qoyska talada haya waxay isku dayaan inay marwalba raali geliyaan qof bani aadam ah oo aan waxba dhaamin ama ka liita iimaankoodii iyo risiqoodiiba waxay ku xidheen qof bani aadam ah in ilaahay SWT risiq xalaal ah siinkaroba ma aaminsana talo waxay isu geysteen guulwadan iyo jaajuusnimo iyo inay qofkale bariiskiisa ka ciideeyaan si ay mudo u sii yar noolaadaan subxaanaka yaa cadiim,   


waxa ugu yaab badnayd kooxdan uu keyse guray hogaamiyaha u yahay ee loo yaqaan hadal ku xooloowga markii xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu u yeedhi wayday oo qabtay shir jaraa-id oo ban ka irmaanaad ah nimankaasi waxay warbaahinta lasoo fadhiisteen hadal layaab leh oo ay rabaan inay ku kala qaybiyaan xubnaha xukuumada siilaanyo wasiirada ka ah waxay warbaahinta u sheegeen in rag wasiiro ah oo raba in madaxweyne siilaanyo tartanka musharxnimada ka hadho ay suuqa gasheen in madaxweyne siilaanyo ka hadhay tartanka doorashada 2015 ka! waa hadal aad iyo aad u yaab badan oo aan caqli saliimka ahi qaadan Karin waayo ninka xukuumada siilaanyo wasiirka ka ah ee xeedhada gacanta kula jira ee aan debeda ka joogin maxaa uga faa-ido ah inuu madaxweyne siilaanyo tartanka 2015 ka dhici doona uu ka hadho waayo miyaanu wasiirkaasi ka mid ahayn cida ugu horaysa ee hadii uu siilaanyo tartanka ka hadho wax ku waayaysa? hadii ay ina odhan lahaayeen waxa ka danbeeya hadalkaas suuqa la gashay xisbiga kulmiye hogaankiisa waxay ahaan lahayd war noqonkara mid xaqiiqada ku yar dhow waayo waxaynu la wada soconaa in hogaanka xisbiga iyo xubno muhiim ah oo xisbiga ka tirsani ay xukuumada debeda ka joogaan oo aan inta badan talada wadanka wax laga weydiin mar awrka lagu kacsanaayo mooyee oo dhowr jeerna xukuumada iyo xisbigu isku dhacay,
 
hadaba miyaan la odhan Karin kooxdan shirka jaraa-id qabatay ee keyse guray u budhtuurka yahay waxay dilaalnimadii siyaasadu la gashay inay fidno iyo kala shaki dhex dhigaan xukuumada siilaanyo si ay ugu suuro gasho in rag aan waxba galabsan inta shaqada laga eryo qaar iyaga kamid ah xilka laga eryey loo magacaabo! waa guulwadayn xil raadis meeshii ugu liidatay ee hunguriga siyaasadu galo! tani waxay la mid tahay hadalkii aan loo miidaanka deyin ee keyse guray kula kufay madaxweyne siilaanyo markii uu mucaaridka ahaa ee uu airportka hargeysa ku yidhi kama soo degikaro isaga oo ka deyaaya siyaasad guulwadayn ah oo weji kumacaash ah! siyaasadu hadaanay mabda lahayn caqlina ku dhisnayn iimaana wadan aakhirka waxay kaatuurtaa haadaan oo waadigaas arkaaya axmed siilaanyihii ay shalay warbaahinta ka caayayeen oo ay maanta dhabtiisa ku fadhiyaan oo ay xil kabaryayaan! ilaahow tanoo kale hana joojin aamiin waa halkii uu ninka ciise iska dooxay.
 
aadan axmed nuurÂ