‘Waxa baaqaas ka muuqday aqoon-darro ka haysa nidaanka dawladnimo iyo shuruucda dalka, waayo wuxuu afhayeenka WADDANI ku baaqay…’ Xil. Cali Marreexaan

image

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Togdheer, ayaa Ayaa uga digay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inuu siyaasad ka dhigto arrimaha ciidammada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta la hadlay Isniintii la soo dhaafay, ayaa ugu baaqay ciidammada qaranka in aanay amarka ka qaadan Madaxweyne Siilaanyo oo ah Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland, ammaankoodana ku hallayn, isagoo baaqaas qaran-dumisnimada u muuqdana gabbood uga dhigtay dilka labadii sarkaal ee degaanka Qurulugud iyo askari ciidanka qaranka ka tirsanaa oo dablay hubaysan ku khaarajiyeen duleedka tuulada Saaxdheer ee Gobolka Sool horraantii toddobaadkan.

Md. Marreexaan oo daba joogay dhawaaqa xildhibaan Buuba iyo siyaasiyiin WADDANI ka tirsan oo buun-buuniyey falalkaas, waxa uu kula taliyey inay ka waantoobaan in arrimaha ciidanka la siyaasadeeyo, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah niyadda ciidammada iyo jiritaanka qarannimada Somaliland.
Qoraal kooban oo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) waxa jawaab kaga bixiyey dhawaaqyo xidhiidhsan oo masuuliyiinta xisbiga WADDANI kaga hadleen arrimaha ciidammada qaranka.
Xisbiga WADDANI oo maalin kasta ilaa dhawr warsaxaafeed oo aan is-ogayn soo saara, ayaa waxay beryahan dambe ku bartilmaameedsadeen ciidammada qaranka, waxana ka soo burqanaya baaqyo colaadeed is-daba-joog ah oo ka mid yihiin kii Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad WADDANI ku sheegay in dagaal lagu qaado dawladda iyo baaqyo xildhibaanno xisbigaas ka tirsan ku sheegeen in ciidammada OPU (Ciidanka Ilaalinta Shidaal-baadhista) dagaallo sokeeye dalka ka ridayaan.
Ciidammadaas waxa Madaxweynuhu digreeto ku soo saaray in ay ka kala iman doonaan booliska iyo millatariga Somaliland, isla markaana hoos iman doonaan Wasaaradda Arrimaha Budaha iyo taliska guud ee ciidanka booliska. Waxay xisbiga WADDANI ku tilmaameen ciidan beeleed. Ciidankaas weli lama diyaarin, xeryihii tababarkana laguma xarayn markaa sidee ayey ku ogaadeen inuu yahay ciidan beeleed? Ma ciidammada qaranka ee booliska iyo millatariga laga soo xuli doono ayey ciidan beeleed u yaqaaniin? Ciidammadaas waxa u baahan dalka, waxaynuna ka helaynaa ciidan si heer sare ah u tababaran oo ku soo kordha ciidammada qaranka. Waxa kaloo shaqo ka helaya boqollaal dhallinyaro ah, ujeeddadii loo aasaasayna waynnu ku fushanaynnaa, taasoo ah ilaalinta shidhaal-baadhista, balse markaan eegay baaqa WADDANI waxay la hadlayeen dad shisheeye ah oo ay dhawaaqa gaadhsiinayeen.
Arrinka ka sii yaabka badan waa markii afhayeenka WADDANI hadlay ee yidhi, yaanay ciidammada iyo xukuumaddu kala amar qaadan. Arrintaasi waa burburin loola badheedhay rukumada ugu waawayn ee qarankani ku taagan yahay, waana baaq dhaawac weyn ku keenaya xisbigaa laftiisa.
Ka sokow, weerarka WADDANI ula badheedhay ciidamada qaranka iyo shacabka ay ilaalinayaan. Waxa baaqaas ka muuqday aqoon-darro ka haysa nidaanka dawladnimo iyo shuruucda dalka, waayo wuxuu afhayeenka WADDANI ku baaqay in ay ciidammadu ka amar qaataan taliyahooda ee aanay ka amar qaadan Madaxweynaha, laakiin waxay ilduufsan yihiin in madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka (Commander in Chief).
Dulucda wararka WADDANI ee aan loo miidaan dayeyn iyo xubnaha xisbigaas ee mikifoonka kala hororsanaya ee aan ka fiirsanayn waxa ay ku hadlayaan ma tahay wax qaranmimada amma wadajirka ummadda wax yeelasa? iyaga ayuun bay ka go’an tahay.
Ugu dambayn, Xisbiga WADDANI wuxuu bartilmaameed ka dhigtay isku-dirka ciidammada qaranka, taasina xisbigooda ayey nuqsaan ku tahay,” ayuu xildhibaan Cali-marreexaan ku yidhi qoraalkiisa.

Salaanmedia/Hargaysa
@ Jamhuuriya