Waxaan jeclahay manta inaan si kooban u iftiimiyo una xasuusiyo, doorkii ay dekeda magaalada berbera ka soo qaadatay dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca horumarka Somaliland sadexdii qarni ee aan ka soo gudubney ilaa maanta

Berbera-Port1_1

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda Somaliland ee gudo iyo debedba, ka dib waxaan jeclahay manta inaan si kooban u iftiimiyo una xasuusiyo, doorkii ay dekeda magaalada berbera ka soo qaadatay dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca horumarka Somaliland sadexdii qarni ee aan ka soo gudubney ilaa maanta, sida ay marwalba u ahayd halbawlaha jiritaanka dalka, waxa kale oo xusid mudan lama ilaawaan ah shaqaalihii dekeda ee ilaa aasaaskeedii ilaa manta ka soo hawlgelayey, oo duruufahii ugu adkaa ee qof ka hawl galo, si karti iyo xilkasnimo leh ugu soo dhabar adaygay, duruufahaa adag oo ay ka mid ahaayeen, in ay shaqayn jireen wakhtiga guga, oo dadka Somaliland ka xagaa bixi jireen dhulka xeebaha ah, oo mararka qaarkood kulaylku gaadhayey ilaa 6o degrii, iyo waliba alaabta ay raraan ama ka soo dejiyaan doonyaha iyo maraakiibta oo ay soo saari jireen madaxooda iyo garbahooda iyo duruufo kale oo badnaa. 


  Marsadii ugu horeysay ee dekeda berbera ee doonyuhu ku soo xidhaan ayaa waxa la sameeyey sanadkii 1752, samaynteedana waxa ka qayb qaatay dad aad u badnaa oo wakhtigaa deganaa berbera, iyo qaar ka kala yimid guud ahaan gobolka saaxil, iyo dawladii turkiga ee wakhtigaa oo ugu deeqday farsamo yaqaano iyo dhaqaale, samaynta marsada waxa dhigax dhigay, oo dadkaa faraha badnaa ee ka qayb qaatay hogaaminaayey, Caaqil qaasaale hagar oo isagu markaa ahaa Caaqilkii ugu horeeyey ee qudha oo ka jiray gobolka saaxil, dekeda shaqdeedu may bilaabmin markaa loo sameeyey marsada ee ka hor ugu yaraan hal qarni ayey hawl galeysey, oo doonyaha alaabta sida waxay istaagi jireen badweynta, waxaana badaacada lagaga soo dejin jirey ama lagu saari jirey huudhyo ilaa qooriga.
  Waxa marsada dekeda markii ugu horeysey la balaadhshay 1889, waxaana maal geshay balaadhiteeda dawlada ingiriiska oo wakhtigaa dusha ka xukumeysey Somaliland, waxaana dhigax dhigay balaadhinteeda Caaqil Cali Guuleed Qaasaali oo uu wehelinaayey Waaligii magaalada berbera oo markaa ahaa Cali Jaamac Haabiil, oo ahaa Waaligii ugu danbeeyey ee ay yeelato berberi.


   Waxa markii labaad la balaadhshay 1947, dagaalkii labaad ee dunida waxyar ka dib,  oo waxa markanna maalgeliyey dawladii ingiriiska, waxaana si wada jir ah u dhigax dhigay, xaakimkii ingiriiska u fadhiyey Somaliland iyo Caaqil Aw Cilmi Cali Guuleed.
  Lasoco qaybta labaad oo aan ku eegidoono, maareeyayaashii ka soo hawl galay dekeda, duruufihii ugu xumaa ee ay mararkaqaar soo martay, dhaqaalaha ka soo baxa sida dalka loo gaadhsiin jirey, iyo waliba siday hawsha u kala lahaayeen maareeyaha dekeda, waaliga magaalada iyo Caaqilku.
  Q  O  R  E  ;     ABDI ARRALE.