Waxaanu ka xunahay in madaxweyna​ha dalku muwaadinka xisbiga waddani soo xulay komanshink​a qaranka uu diido

MAQAAL

Waxaanu ka xunahay in madaxweynaha dalku muwaadinkii  xisbiga waddani u soo xulay komanshinka qaranka diido oo soo ceceliyo si cadaalada ka fog oo aanu eegin danta dalka iyo xuquuqda muwaadinka midna.

waxaanu u aragnaa hab la doonaayo in lagu carqaladaynayo doorasho xallaal ahi in ay wadanka ka dhacdo, marka xisbiyada mucaaradku tanaasul ka sameeyaan caqabadaha madax tooyadu soo maleegtoba mid cusub ayuu keenayaa.
waa nasiib daro ku habsatay wadanka iyo geedi socodkii dimuquraadiyada aynu hiigsanaynay.
maanta shacabka somaliland way u cadaatay hagardaamooyinka xukuumada siilaanyo ku hayso
doorashooyin in ay  qabsoomaan iyo hanaankii dawladnimo.

waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada inay ku soo laabato wadadii somaliland ku soo caana maashay oo ayna dhaawicin tacabkii umadda somaliland 23ka sano  soo dhisanaysay  ee aduunyada oo dhami inagu amaanaysay oo ay dalka u tudhaan.

waxaa loo baahan yahay in aan shacabeena u midayno sidii aan u badbaadin lahayn wadankeena iyo

Ahmed Jama

salamanjama1@gmail.com