Weerar ismiidaamin ah oo 42 ruux ku dhimatay oo ka dhacay Magaalada Sanca (Daawo Sawirada)

 

Nin bambaano isku soo miidaamiyay, ayaa ugu yaraan 42 qof ku diley caasimadda dalka Yemen ee Sanca, waxaana sida loo badinaayo uu ahaa weerar lagu beegsanayo fallaagada Shiicada ee Xuutiyiinta.

Qaraxa ayaa ka dhacay Fagaaraha Tahrir oo ku yaalla bartamaha Sanca, halkaas oo fallaagada ay ka talinayeen tan iyo bishii la soo dhaafey.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheimageegatey mas’uuliyadda weerarka.

Xuutiyiinta ayaa dhowr toddobaad wadey banaanbaxyo ay ku dalbanayaan nidaam awood qeybsi oo ay ku qanacsan yihiin, isla markaana la soo dhiso dowlad cusub intaan la gaarin heshiis ay Qaramada Midoobay garwadeen ka ahayd.

Banaanbaxyo cusub ayay hadana soo abaabuleen Xuutiyiinta maanta oo Khamiis ah, iyagoo diiddan go’aan uu Madaxweyne Abed Rabbo Mansour Hadi ku soo magacaabey Ahmed Awad bin Mubarak inuu noqdo Raiisul Wasaaraha cusub. Laakiin Bin Mubarak waa uu diiday magacaabistaasi.

Warbaahinta dowladda ayaa ka soo xigatey Mr. Mubarak inuu doonayo inuu ka fogaado khilaaf hor leh oo waddanka ku habsada.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdel-Malik al-Houthi ayaa Arbacadii sheegay in faragelin shisheeye ay ka dambeyso in Mr Mubarak xilkaasi loo magacaabo.

Salaanmedia/Mogdisho

image