Wefdigii Finland ee Xisbiga Waddani Oo shalay Kullamo La Galay Gudiyada Kala Duwan Ee Gobolka Saaxil

 

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wefdigii Finland Oo Maantana Kullamo La Galay Gudiyada Kala Duwan Ee Gobolka Saaxil Waxa beryahan socdaal isdaba jooga ku gala bixinayey Gobolda iyo Degmooyinka Dalka Wafdi ballaadhan oo ka socda Hogaanka Xisbiga ee Laanta Finland, wafdigaas oo indhaindhayn iyo dardar gelin iyo is xogwareysi u marayey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa soo gaadhay Maanta/shalay Barqadii Gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera.

1

Wafdigaas oo lagu soo dhaweeyey duleedaka Magaalada Berbera. Wafdigaas oo ka kooban saddex mudane oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani eeLaanta Finland Mudane Abdirahman I. Arte, Xoghayaha guud ee Laanta Finland Mudane Mohamud Hussein iyo Gudoomiyaha Caasimada labaad ee Dalka Finland ee Turku Eng. Jamal A/llahi Hassan.

Wafdigu nasasho iyo is barasho ka dib, wuxu guda galay hawlihii uu u socdey, kulamadaas oo ay la qaateen hogaanka guud ee Gobolka iyo kuwa degmooyinka gobolkaba, garabadaasoo ka koobnaa G.Haweenka, iyo G.Dhalinyarada oo uu   hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Xisbiga WADDANI. Kulankaa soo qaatay saacado badan oo ay ka muuqtey weji farxadleh iyo wax kala faaiidaysi barnaamijyo badan oo Xisbiga WADDANI waxtar weyn u lehna la isla meel dhigeylagu gunaanadey is fahan iyo kor u qaadida hawlaha Xisbiga WADDANI ee Mustaqbalka dhaw.

Salaanmedia/Berbera3