WELI MA DHAQANKII DAAYEERKA AYAAD LEEDAHAY ?

Culimada baadha qadhanka daayeerka ayaa waxay tijaabiyeen in ay dhaqanka daayeerka wax ka ogaadaan .

Shan (5) daayeer ayey qafas (sanduuq) ku wada rideen (isugu geeyeen) , waxay qafiska (sanduuqa) dhakadiida saareen muus , waxay muuska dhakada ka saareen saxan biyo ka buuxaan oo aad u qabaw. (daayeerkuna biyaha qabaw iyo biyahaba aad buu u neceb yahay).
Mid kasta oo daayeeradii ka mid ahi, markuu qafaska (sanduuqa) koro ee uu isyidhaahdo xabbad muusa soo qaado , saxankii biyaha ahaana waxa uu ku soo daataa daayeeradii kale , dhawr jeer markay arintaasu dhacday daayeeradii waxay ogaadeen (garteen -barteen) in markasta oo ay isku dayaan in ay xabbad muus ah soo qaataan ay biyaha qaboobina ku soo daadanayaan .
Kabacdina shantii (5tii) daayeer sidaas ayeybfaraha kaga qaadeen (isaga daayeen) inay muuskii doontaan . dhaqankaas ayey wada qaateen .
Laakiin culimadii daayeerku waxay qafaskii (sanduuqii) ka soo saareen xabbad (mid) daayeer ah , waxay ku BEDDELEEN mid daayeer kale  oo aan ka warhayn wixii meesha ka soo dhacay , DAAYEERKII CUSBAANA wuxuu koray qafaskii (sanduuqii) wuxuu isku deyey inuu MUUSKA soo qaato , waa sidii uu daayeer kastaaba samayn lahaa , wixii kuwii hore la kulmeen ayuu isna kala kulmay meeshii , dhawr jeer ayuu iskudeyey , markii danbe ayey DAAYEERADII hore meesha ugu jiray u diideen oo is hortaageen oo dileen , si aanu mar danbe isugu deyin inuu muuska doonto , isna deriskii wuu qaatay waanu fahmay (wuuna bartay) ujeedada loo dilayaa waxay tahay . 
Culimadii diraasadaynaysay dhaqanka daayeerka MAR KALE ayey DAAYEER ka mid ah kuwii hore qafaska (sanduuqa) ugu jiray ka soo saareen mid kale oo cusubna ugu BEDDELEEN .
Sheekadii kii hore ku kacay ayuu kan cusubina ku kacay , laakiin wuxuu wixii kii hore la kulmay oo kale ayuu kii danbena la kulmay oo lagu sameeyay .
Culimadii darsaysay dhaqanka daayeerka , siday kolba mid u beddeleyeen , ayaa waxa qafaskii (sanduuqii) isugu soo hadhay DAAYEERRO wada cusub oo aan waxba ka ogayn qisadii meeshanu soo martay . (shantii daayeer ee hore qafaskii waa laga wada saaray sidii kolba mid loo beddelaayey , waxa iminka isugu soo hadhay shan daayeer oo cusub )
Kabacdi qaybtii danbe mid ka mid ah DAAYEERADII ayaa qafaskii(sanduuqii)  laga saaray oo lagu beddelay mid kale oo CUSUB , kiina wuxuu isku deyey inuu qafaskii (sanduuqii) koro oo muuskii soo qaato , laakiin markii uu gacanta taagayba daayeeradii kale ayaa garaacay oo tumay oo u hanjabay oo is hortaagay , isna wuu iska fadhiistay 
Daayeeradu ma garanayaan sababta ay waxan u samaynayaan ee waa dhaqan ay kuwii hore ka soo gaadheen .
Hadaba dadka qaar ayaa weli wata dhaqankii xukuumaddii keligii taliyihii xoogga dalka ku qabsaday ee ku haystay .
Weli dad badan iyo mas uuliyiin badan ayaan ogayn waxa ay tahay dimuqraadiyaddu – doorashooyinku -caddaaladdu – axsaabta siyaasaddu – garsoorka madaxa banaan -.
Weli dad badan ayaan ogayn in sharciga loo siman yahay  .
Weli dad badan ayaan garanayn xuquuqda uu leeyahay muwaadinku .
Weli askarigu wuxuu moodayaa inuu maamulka ilaalinaayo oo uu u shaqeeyo , oo weli ma oga inuu sharciga iyo xuxuuqda muwaadinka mas uuliyadda koobaadi ka saaran tahay .
Weli mas’uuliyiintu ma oga in xilku wareegto yahay .
Weli mas’uuliyuuntu ma oga in ay adeege bulsho yihiin , oo arintaa awgeed loogu dhiibtay maamulka .
Bulshada somaliland iyo mas’ uuliyiintuba waxay u baahan yihiin wacyi gelin weyn .
Hadaba dadku maaha daayeer , dhaqanka daayeerkana ma laha , ee illaahay wuxuu banii aadamka ku manaystay caqli (feker) iyo garaad ay waxna ku bartaan , waxna ku bedelaan , horena ugu maraan .
waxa loo baahan yahay in cilmi baadhis bulshada lagu sameeyo , si wax loogaga bedelo , sida ay wax u arkan  iyo sida ay u fekeraanba iyo sidii hore loogu marin lahaaba .
Hadaba adigu ma dhaqanka daayeerkaad leedahay ?
CALI MAXAMED BIIXI            caliwwelli@hotmail.co.uk
Attachments area