Xarumihii jaadka ee UK maxay ku dambeeyeen?

141025092519_mama

Xarumihii jaadka ee UK maxay ku dambeeyeen?

26 Oktoobar 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 12:45 SGA 09:45 GMT

Waxay ahayd goob qaadka lagu iibiyo laguna cuno oo ku taal bartmaha magaalada Glasgow ee dalkan UK, afar bilood ka hor intii aan laga mamnuucin qaadka Britain, laakiin waxaa hadda laga beddelay magacii, waxaana loo bixiyay Naadiga Bulshada Hooyada Afrika (Mama Africa Social Club).

Waxaa laga dhigay goob ka duwan too hore oo Soomaalida Scotland gaar ahaan kuwa deggan Glasgow ay isugu yimaadaan dhallinyaro iyo odoyaal.

Mama Africa waxaa isugu yimaada kuwii qaadka cuni jiray iyo kuwa aan cunin intuba

Sida uu sheegayo milkiilaha goobta Axmaddeey Muxiyaddiin waxaa goobtan markii hore ay ahaan jirtay Marfish ay isugu iman jireen dhallinyarada qaadka cunta oo keliya, laakiin hadda taasi waa uu beddelay waxaana uu ka dhigay goob bulsho oo cid walba ay iman karto, waxaana hadda yimaada dad aan horey u iman jirin oo cusub.

Waxa uu sheegayaa in goobtan bulshada ee cusub ay ka qaybqaadatay is dhexgalka bulshada, tan iyo markii Jaadka la joojiyay bishii June ee sanadkan.

Naadiga Mama Afrika waxa uu hadda isku keenaa dad aan awal is arki jirin ama is dhexgeli jirin, taasi oo uu sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka degmada ay soo dhaweeyeen.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo dhawaan shaqo hawleed u tahay Scotland ayaa booqday goobta oo kala sheekeystay milkiilaha goobta Axmedeey Muhidiin isbeddelka uu ka sameeyay.

XIGASHO BBC SOMALI