Xasan Cali Shuute “Ninkii Shabaab ah oo isaga dagaalamaayo lasoo qabto waa dil toogasho ah”

liibaan

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dil toogasho lagu fulinaayo qofkii ka tirsan Ururka Shabaab ee ciidamada Dowladda ay kusoo qabtaan isaga oo dagaal ku jira ama falal lidi ku ah dhanka ammaanka qorsheynaayo.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute, go’aanka maxkamada ayaa wuxuu yahay dil toogasho in lagu fuliyo ruux waliba oo Shabaab ka tirsan, hadii Hay’adaha ammaanka dowladda ay soo qabtaan isaga oo falal amniga ka dhan ah ku guda jira.

“Maxkamaddu waxa ay gacan adag oo garsoor ku qaban doontaa cid kasta oo ammaanka halis ku ah, yeysan moodin in la fiirsanaayo dhibaatada ay ku hayaan ammaanka, dhamaan laamaha dowladda ayaa iska kaashan doona sidii loo soo qaban lahaa, Maxkamadduna dil ayay ku fulin doontaa” Ayuu yiri Shuute oo Warbaahinta Dowladda la hadlay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida, Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Dagaalyahanada Al-shabaab ee aan ka faa’iideysan cafiskii Xukuumadda ee ahaa 45-ta cisho in ay dowladda isu soo dhiibaan, isaga oo ugu baaqay dhalinyarada Shabaabka inay ka faa’iideystaan cafiskaasi.

Xasan Cali Shuute, ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamada ciidamada qalabka sida laamo ay ka furanayso Degmooyinka Shabaab laga saaray si shaqooyinka maxkamada ay halkaasi uga sii socdaan.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayuu kula dar-daarmay inay u turaan shacabka ay qoriga u qaadeen, marnaba hubkooda yeeysan shacabka ku soo jeedin ayuu yiri, xilli uu ka hadlaayay dhibaatada suurtagalka ay tahay in ciidamada ay u geystaan shacabka.

Wixii ka dambeeyay markii maxkamada ciidamada dar-dargelisay xukunada ay ku fulinayso ciidamada, waxaa yaraaday dhibaatadii ciidanka ay ku hayn jireen dadka shacabka ah oo ay ugu horeyso dhac ciidamada iyo dilalka bareerka ee shacabka ay kula kici jireen.

Salaanmedia/Mogdisho