Xildhibaanadii Kulmiye: Sidii Gorayo lagu qayliyay gelelef-yaaceene …. Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene by Abdi Mustafe

maqaal
Marka aan la is yeel yeelayn nimankii Kulmiye ee ka tirsinaa goalaha wakiilada ee qeylada dheer dhigayey ee lahaa waxan iyo waxan baannu ku samaynaynaa markuu yimaado Gudoomiya wakiiladu ahna Gudoomiyaha xisbiga Waddani sow kuwan sidii riyo la didiyey kala yaacay. Ha meereystaan suuqa ileyn diide nacadiiye.
 ( Sidii Gorayo lagu Qeyliyay gelelef-yaaceene ) ( Abidkiiba guul lama shir tegin geeda-waaqluhuye )
Waar nimanku raga nimo daranaa ma madaxtooyada uun bay dhaameel kaga lula nayeen. Waa wax aad loola yaabaa xildhibaanada Kulmiye ee diidaya in komissionka la ansixiyo iyo in xeerkii doorashada ee ay u codeeyeen dib loogu celiyo guurtida … Sidaasi waa Qaran Dumis shicib kuna wuu arkaa. Xukuumada iyo xildhibaanada Kulmiye isma caqli dhaamaan intaana waxay u shirayaan sidii dalka khal-khal uugu iman lahaa.
 ( Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene ) (Dibadaha ha meereen ileyn diide nabadiiye )
Shicibku isha ha ku hayo waxa xukuumada iyo xildhibaanada Kulmiye ay samaynayaan ee guriga Saylici lagu soo abuurayo. Waa wax aan shicibku u dul qaadan doonin in Qaran nimada Kulmiye dumiyo. Allahayow yaa yidhaa hadhow baydin odhan na qariya oo meel idin qaada aydin waayi doontaan ileyn shicibka masiir kiisii bay god ku ridayaan e. Car yaan suuqa Hargiesa laga ugaadhsan xildhibaanada Kulmiye iyo kooxda wasiirada ah ee ay kula shiraan aqalka Saylici. Maxay is la waax waaxyeen hadaanay ka soo qeyb geleyn shirka loogu yeedhay ee ay u gabanayaan sow maaha in ay dulmi wadeen oo aanay waxba cadeyn karayan. Haday intay warbaahinta tegeen sida doqonka A/rahman dheere ay bedelayaan sidii ay markii hore u hadlayeen. Raga nimoy nin kaagii nacas nimo maxaa baday sidaa waxa ka dhigan xildhibaanada kulmiye.
by Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com