Xirsi Ciidan Beeladka Uu Soo Tobabarayaa Ma Imankaraan Deegaanka Saraar Awoodna Uma Laha (Beesha Reer Yoonis)

Xirsi ciidan beeladka uu soo tobabarayaa ma imankaraan deegaanka saraar awoodna uma laha

 Baaq


Hadaanu nahay dhalinyarta aqoonyahanka ah ee ka baxdey jaamacadaha dalka ee kazoo jeedaa gobolka saraar , saaxil iyo togdheer ee(beesha reer yoonis) waxaan canbaareyneynaa talaabada foosha xun ee wasiir xirsi ku bixiyey shirkada tobabarka ciidanka ilaalinta goobaha laga baadhayo shidaalka, ee uu ku siiyey shirkada uu isagu leeyahay ee uuga wakiilka yahayc\casiis dhulcun iyo ina lule oo kazoo jeedaa qoyskiisa taasoo ah wax aan la qaadan Karin qabyaalada iyo qaraaba kiilka uu ku caanbaxay xirsi ee uu kheyraadkii dalka uga faaiideynayo qoyskiisa kuna duudsiyayo beelweynta muuse abokor ee degta deegaanka ugu balaadhan ee beesha habarjeclo degto isagoo ka faaideysanaya magaca iyo maskaxda madaxweyne siilaanyo , waxaanu leenahay hadaanu nahay beelweynta reer yoonis dhalinyarteedii ma aha wax aanu qaadan karno qandaraaskii lagu bixiyey qaraabo kiilka ee uu xirsi u dhiibtey inamada ay ilmaaderka yihiin ee aan waxba ogeyn ee uu cidlada magacyadoodii ku sawirey waanu garanayeynaa in aad adigu qaadatey qandaraaska kana qaadey aqoonyahana mustafe bacaluul iyo shirkadii uu ka wakiilka ahaa ee 4F ee mareykanka ahayd,mana aha beeshu wax ay yeeleyso arinkaasi quudhsiga ah ee wey ka dagaalamaysaa ma dhici doonto in ciidan beeleedka uu xirsi xaafadiisa kazoo qortey iney imaadaan deegaanka gobolka saraar wixii halkaas ka imaadana waxa tuurta ku qaadandooona madaxweyne siilaanyo oo umada ka edbinwaayey xirsi iyo colkiisa waana duulaan rakhiis ah oo gunimo ka muuqato oo ay wado beesha maxamed abokor si anshaxa iyo qaranimada ka baxsan ay magceedii u baabi iiyeen xubno qowleysato ah oo uu hormuud u yahay xirsi waxa umada Somaliland oo dhan ceeb ku ah in qandaraasyada mashaaricda horumarineed oo dhan ay gacanta u gasho qoyska dega xaafada beriga burco tusaale ahaan mashcuucii lagu dhisayey madaarka caasimada waxa la siiyey shirkada lagu magacaabo chine horn group oo uu leeyahay CUMAANI oo ah nin MAXAMED ABOKOR qandaraaskii idaacada Radio hargeisa waxa qaatey shirkad lagu magacaabo BROTHERS CO. oo uu leeyahay XIRSI wakiil na u yahay maykal boodh islagad , EPASSPORTKII waxa qandaraaskiisii qaatey CALI MAREEXAAN IYO MAXAMED YUUSUF OO LABADUBA AH MAXAMED ABOKOR , qandaraaskii liisamadawaxa qaatey MAXAMED YUSUF OO AH MAXAMED ABOKOR , ka tobabarka ciidanka ilaalada goobaha shidaalka waxa qaatey XIRSI oo wakiishey INA DHULCUN IYO INA LULE qandaraaskii DIWAANGALINTA MUWAADINKA WAXA QAATEY SAHAL CO. OO UU XIRSI LEEYAHAY WAXANA UGA WAKIIL AH NIN C\RASHID LA YIDHAAHO OO DAHABSHIIL KA SHAQEEYA OO AY XIRSI AAD ISUGU DHOWYIHIIN , waxaan nasiib daro ah in dalkii lawadalahaa ay kheyraadkiisii ka faaiideystaan qoys gaar ah waana ceeb aan wali la arag dad dhaqankaas leh , waxayna ceeb ku tahay magaca ahmed siilaanyo, maadaama uu waxba ka qabanwaayey shuftadan madaxtooyada magiciisa umada ku baadhaneysa waxaanu leenahay madaxweyne BEESHA REER YOONIS ma geydo foolxumadaa gurigaaga uga imaneysa ee aad raaliga ka tahaykuna daawaneyso waxaanu soo jeedineynaa hadaanu nahay ardeyda jaamacada ka baxdey ee aqoonyahanka ah in laisugu imaado shir degdeg ah oo lagaga arinsanayo xaalada dalku galay iyo maustaqbalka siyaasada reerka shirkaas oo ay hore u iclaamiyeen qurbajoogta reerku waxaanu leenahay waa in sida ugu dhakhsaha badan laisugu imaadaa maadamadeegaanka lagu soo duuley oo ay usoo duuleen dad aynu taariikhdooda naqaanbalse ka faaiideysanaya awooda qarankawaxaanu leenahay XIRSI adeer inamada reerkaaga ah ee aad mushaharka u sameysey hakusoo lugoyn deegaankagobolka saraar waayo ragii deegaanka lahaa wey joogaan oo ilaashanayaa waxayna diyaar u yihiin iney deegaankooda difaacaan oo dhiigooda u daadiyaan markasta ee jooji kalifaada

Magacayada aqoonyahanka

Garyaqaan Maxamed jaamac cawaale

Eng Mubaarig ahmed faarax

Eng Guuled daahir siciid

Dr daahir kheyr

Aqoonyahanhanad maxed barre

Aqoonyahan mustafe faarax sicid

Dr yusuf x. abdi

Garyaqaan yuusuf jaamac cilmi

Aqoonyahan daahir barre xaaji

Daauud xusen cali

Aqoonyahan cabdi cali jaamac

Aqoonyahan geelle cali aadan

Warsame cali kaahin

Ambassadorhaashi xusen siciid

Allaa mahad leh