XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA OO SI RASMIYA LOOGA DIIWAAN GALIYEY XAFIISYADA BEESHA CAALAMKA EE SOMALIYA

Habiil

Guduumiyaha xisbiga shacabka geeska afrika Haabiil Cabdi Haybe oo udiraya hambalyo iyo salaan dhammaan shacabka somaliyeed ee taageersan xisbiga geeska afrika oo casumaad rasmiya ka helay dawladaha turkiga,itoobiya djiputi iyo waliba khaliijka oo november lagu casumay shirar muhiima oo kadhici doona wadamada khaliijka, waxaanu mudnaanta siinaynaa baahida shacabka somaliyeed ee dagaalada iyo qaxuba ku ragaadiyeen dalka gudihiisa khaas ahaa gobolada dagaaladu ka jiraan ee hiiraan iyo shabeelooyinka iyo waliba bakool oo deegaano badani dhibaatooyin kajiraan.

waxaanu ku rajo weynahay in shacabka baahidooda aanu wax ka qabano ilaahay amarkiis, waxaa kale oo aanu qorshaynaynaa inaanu deeqaha wax barasho ee deegaanada xisbigu matalo sitoosa loogaadhsiiyo si ay dadkayagu uga faaidaystaan baahiyaha xaga maamulkana wax lagala qabto, dekedaha iyo airpot dadana lawada furo si dadku ay toos u aadi karaan deegaanada koonfur galbeed iyo shabeelooyinkaba.

gudoomiyaha oo safarkiisu uu kabilaabmi doono dalka turkiga wuxuu ku beeganyahay maalinta isniinta ah hadii alle yidhaahdo. waxaa kale oo uu ugu baaqayaa gudoomiye haabiil dhamaan taageerayaasha xisbiga ee EUROPE IYO NORTH AMERIKA inuu kusoo wajahanyahay december oo uu uga xog warami doono wax qabadka xisbiga guud ahaan gaar ahaan 1sano ee lasoo dhaafaya wax yaabihii waaweynaa ee hogaanka xisbigu ka qabtee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyo in xisbiga uu kadiiwaan gashanyahay CHATHAM HOUSE INSTITUTE siyasada somaliyana aan loo daba fadhiisan doonin dad aan mudnayn in mustaqbalka umada dhabaataysan lagu haleeyo.    

                                                                                                                                                                                                                                                                                       

PRESS STATEMENT FOR THE HORN OF AFRICA PEOPLE’S PARTY SUPPORTERS.                                                                                                          

GUDIGA JOOGTADA AH EE XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA QAYBTA WARFAAFINTA.                                                                                            

 GUDOOMIYE IBRAAHIM TIMAHELE                                                                                                                                                                         Â